Baargaal--14 Apr.2014--Pi-- Siminaar socday sadex maalmood oo lagu baranayay samaynta qorshayaasha horumarinta dugsiyada sare,iyo doorka gudiyadda waxbarashada ee kuaadan maamuladda dugsiyadaoo loo qabtay Gudiga waxbarashada Dugsiga Sare Ee Baargaal ayaa maantalagu soo gabagabeeyay magaalada Baargaal.
Siminaarkaas oo ay iska kaashadeen qaban qaabadiisa hay’adda Careinternational iyo wasaaradda waxbarashadda Puntland , qaybna ka ahaamashaariicda barnaamijka “waxbarasho waa iftiin “oo uu maal galiyomidowga Yurub .
Gudoomiyaha gudiga waxbarashada dugsiga sare ee Baargaal C/laahi muuse Bootaan oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmamaay in gudigooduaqoonta ay ka heleen siminaarkan ay u isticmaali doonan sidii ayqorshe dhamaystiran ugu dajin lahaayeen dugsiga sare ee degmada, waxaana uu u mahad celiyey hay’ada Care international iyo midowga Yurub oo uu ku amaanay barnaamijka waxbarashada ee iftiin oo ay kucawiyaan xarumaha waxbarashada.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in intay ku jireen Siminaarkanaqooneed ee loo gabtay gudiga Waxbarashadda ay kaga doodeen sidii loohorumarin lahaa tayada waxbarashada dugsiga sare , Maamulka iyo Macalimiinta.
Hay’adda Care international oo kamid ah hay’adaha dhanka waxbarashadataageera ayaa waxay gobolka Bari ka Hawlgalaan Boosaaso iyo Baargaal
Sawirada hoos ka daawo
Maxamed Ibraahim Axmed
Baargaal