Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dagaal Dayniile ka socda oo dhexmaraya Ciidanka huwan magaca dowlada oo laba beel ukala baxay

$
0
0

Ciidanka Dowlada

Muqdisho–14 Apr.2014–Pi– Maanta waxaa Degmada Dayniile hareeyey Dagaal dhexmaraya laba maleeshiyo oo ka wada tirsan Ciidanka huwan magaca Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Maleeshiyada ayaa ukala baxay labo belood, wuxuuna dagalka oo ku salaysan hab qabiil uu ka bilowdey dhul la isku qabsadery.

Dhulka la isku heysto oo ah dhismayaal iyo boosas ay Dowladii Dhexe ee Soomaaliya ay lahayd ayaa mid kamid ah beelaha haysta waxay isku dayeen iney iibsadaan,rag ka tirsan Beesha kale ayaa hunguri ka galay dhulka kasoo keenay in qoryaha la boobo oo ay Ciidankii ukala baxaan labada beleed ee aykasoo kala jeedaan.

Dagaalka ayaa ah mid ay labada beleed madaxa is galiyeen iyagoo gashan Tuutaha Ciidanka Xooga Dalka.

Waxay arintu sii xoogeysatey ka dib markii Ciidan ka tirsan Ciidanka Dowlada ay soo gaareen goobta lagu dagaalamayay si ukala dhex galaan balse markii mid kamid ah Malæeeshiyeed Beeleedka laga awood roonaadey ayaa Ciidankii u yimid iney kala dhex galaan ayaa qaarkood dagaalkii gees ka galeen.

Warar hada soo gaaraya Puntlandi waxay sheegayaan in hada xabadu istaagtay khasaaraha iyo rasaasta la iswaydaarsadeyna aysan is le ekeyn oo khasaare badan ma jiro.

Dagaalku wuxuu ka dhacay mel u dhow Haanta dheer oo ku taal jidka Warshadaha ee gala Degamada Deyniile.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles