W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Colaadda hadda ka jirta dalka Jamhuuriyadda Afrikada DHexe ayaa salka ku haysaa markii ay dowladda Faransa aqoonsan weyday madax-weynaha ku-meel gaarka ahaa ee Muslimka ah Michel Am-Nondokro Djotodia (Misheel Dogotya) waxayna dowladda Fransa olole xagga dacaayadda iyo xag military ah ku qaaday xukuumadda uu hoggaaminayay Michel Djotodia,waliba iyadoo dowladda si ku-meel gaar ah muddo halsano iyo bar ah ee lagu go’aansaday heshiiskii ka dhacay caasimad xeebeedda dalka Gabon ee Barazaville.
Heshiiskaas oo ay kala saxiixdeen xukuumadda iyo jabhadihii ku kacsanaa bishii January 11, 2013 ayaa saxiixiddiisii waxaa ka soo qayb galay xubno ka kala socday Qarammada-midoobay, Midoowga Yurub, iyo Midowga Afrika .
Qarammada midoobay inta aysan ciidamo u dirin Jamhuuriyadda Afrikada DHexe waxaa jawaab u baahan waxa ay horay uga hadli weyday wixii dhacayay ilaa bishii December 5dii, 2013kii hiirta waa-berigii maalinimadii KHamiista ahayd oo la dilay ilaa 1000, qof sida ay ku warantay hay’adda Laan-qayrta Cas, kuwaasoo ilaa 700 qof oo muslim ah oo ay ku jireen 30 qof oo meel misaajid ah iyaga iyo Imaamkii tujinayayba lagu dilay, xaafad ku taala woqooyiga caasimadda Bangui, sidaasoo kale dadka la laayay ayey ku jireen caruur iyo haween kuwaasoo ku dhintay gacanta maleeshiyaad masiixiyiin ah oo ku hubaysan hub faro badan oo ay ka kala heleen dalalka Fransa, Cameroon, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, iyo dowladda ugu da’da yar dowladaha caalamak ee Konfurta Suudaan…
Waxa ka dhacay Jamhuuriyadda Afrikada DHexe, oo waliba illaa iyo hadda socda ayaa ahaa meel ka dhac loola bareeray bini aadanimmada iyadoo aad mooda in qarammada midoobay, gaar ahaan Golaha ammaanka ay ka indho qarsadeen si waliba ula kac ah, mise?!… waxaana nasiib daro aad looga tiiraanyooda ah intii uu xoogaystay (2001dii) in laysku lamaano magaca Islaamka iyo eryga Argagixiso in dadkii muslimka ah iyo hoggaamiyeyaashoodaba ay sii luminayaan xuquuqdoodii aasaasiga ahayd!…
DHibaatada hada ka socota Afrikada dhexe ee lagu ugaarsanayo dadka Muslimiinta ah ayaa ka dhalatay isku day af-gambi ay hor kacaysay dowladda Faransa oo sida la sheegay adeegsanaysay waziirka arrimaha gudaha ee xukuumadda ku meel gaarka ah sida uu ku waramay sarkaalka lagu magacaabo Nuura-l-diin oo ah taliyaha hay’adda nabad-sugidda, wuxuuna tilmaamay inay duubeen cododka waziirka arrimaha gudaha iyo safiirka dowladda Fransa u fadhiya magalada Bangui iyadoo markii dambana uu waziirku ku cararay safaaradda Faransa, halkaasoo looga sii qaaday sal-dhig ay leeyihiin ciidammo ka socday Midowga Afrika.
Fransa oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee dalalka golaha ammaanka ku jira ayaa ka hor heshiis la sii gaaray wax yar ka hor intii aysan ciidamadeeda gelin ciidda Afrikada-DHexe, iyadoo ku dadaalaysa in la aqoonsado haddii ay ku guuleystaan inay af-gambiyaan dowladda, waxaana dad badan aaminsanyihiin in dowladda fransa oo iyada horay u soo guumeysatay dalkaas ay gacan weyn ku lahayd dhibaatada loo geystay dadka muslimiinta ah eek u dhaqan dalkaas.
Sababaha ugu weyn ee dowladda Faransa u colaadisay madax-weynaha hadda jooga (Misheel Dogotya) ama ay doonaysay inay u af-gambiso ayaa waxaa lagu macneeyay madax-weynaha oo damcay inuu ka fogeeyo dhaqaalaha dalka gacanta weyn ee ay ku leedahay dowladda Faransa yareeyana waxyaabaha laga soo iibsado, isla markaasna heshiisyo dhowr ah la galay dalalka Malaysia, Turkiyah, iyo Cambodia, sidaasoo kalana la galay heshiis maal gashi ah dalalka Kuwait iyo dalka Qadar, waxaana dowladda u qorshaysnaa inay fursad maal gashi siiso shirkado SHiinaha iyo Malaysia laga leeyahay iyo kuwo kalaba.
Heshiisyadaas ka dib waxaa si dhaqso ah maal gashigoodii u bilaabay ganacsato reer Qadar ah oo iibsaday jaziirad weyn oo ay doonayeen inay ka sameeyaan goobo dalxiis iyo ganacsi, hasa ahaatee waxaa arrintaas ka xanaaqay kooxo badan oo ay ku jirto shirkada weyn ee caanka ku soo saaridda quwadda Nuclear-ka Areva ee laga leeyahay dalka Faransa oo iyadu Uranium-ka ka qoda magaalada dhanka Koonfureed ku taal ee Bakouma.
Maleeshiyaatka masiixiyiinta ah ee la soo abaabulay ayaa shan madax kaga soo duulay dhismaha madatooyada waxaan ka hor yimid ciidammada dowladda kuwaasoo maleeshiyaadkii cayriyay, waxaana arrin lala yaabo ahayd in meelahay ka qabsadeen maleeshiyaadka ay ka heleen waraaqo ay ku qoranyihiin 20qof oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu waaweyn dadka muslimiinta ah, sida; waziiro,sarkiil ciidan , iyo ganacsato, waxaana la xaqiijiyay inay dileen 3 qof oo ka mid ah magacyadii u qornaa kuwaas oo uu ku jiray nin General ahaa oo ka tirsanaa ciidammada dowladda.
Waxaa arrin laga argagaxo ahayd in dhibaatooyinka aadminimo ee loo geystay dadka muslimiinta ah, Dil, dhaca hantidooda, guryahooda oo la gubay, xoolihii oo la dareersaday, waxaana la sheegay in la dilay nin misaajid Imaam ka ahaa xaaskiisa oo xaamilo ahaydna la dooxay, waxaana inaan waxba laga sheegin oo la qariyay dhibaatada ka dhacday maagaalooyinka dhanka Woqooyi dhaca ee Bouar iyo Berberati .
Golaha ammaanka ciidammada ay dirayaan ayaad moodaa in lagu beegay xilli wixii dhici lahaa ay dhaceen dadkii muslimiinta ahaana la gaarsiiyay dhibaatooyin aysan ka soo waaqsan karayn iyadoo waliba dowladaha ku hareeraysan ee xuduudaha la leh ay yihiin kuwii hubayniyay maleeshiyaaska masiixiyiinta ah, marka laga reebo Suudaan iyo Chad.
SHakina kuma jiro in muslimiinta haddii ay wax yar iska caabin lahaayeen duulaanka maleeshiyaadka masiixiyiinta ah ee ay soo hubeeyeen, Faransiiska, Kameruun, Jamhuuriyadda
Dimuqraadiga Kongo, iyo Koonfurta Suudaan la huwin lahaa magaca argagixiso, waxayn manta u baahanyihiin hiil dhan kasta ah si loo badbaadiyo noloshooda, waxaana muhiim ah in la gaarsiiyo cunto iyo dawooyin.
Xoghayaha guud ee Qarmmada midoobay Ban Ki Moon, ayaad moodaa isaga laf ahaantiisa inuusan xil iska saarin dhibaatada loo geystay muslimiinta ku nool Jamhuuriyadda Afrikada-DHexe, waxaana muuqda sawir weyn oo si ula kac ah laysugu ladayo arrimaha iyo shir qoolka la rabo in lagu xasuuqo muslimiinta Afrikada-DHexe, Ban Ki Moon ayaan booqashadiisii uu ku tegay dalkaas aysan wax kale soo siyaadin baaq uu cunto ugu yaboohay mooyee.
Sidaasoo kalana hay’adihii caalamiga ahaa ee hoos tagayay Qarammada Midoobay iyo dhammaan kuwii sama falka ahaa ee dunida galbeedka ayaan sidii la rabay uga muuqan kaalintii looga baahnaa, waxaana intaas oo dhan ka sii daran in haba yaraatee aysan jirin cid dunida Islaamka ah oo haba yaraatee gacan u fidiyay dadkaas.
Waxaan ka digaynaa siiba dunida Islaamka aan xasuusinaynaa inaysan ku hodmin wararka aan sugnayn ee ka soo baxay dowladaha lagu eedeeyay inay dhinacyada mid la jiraan sida Faransiiska, Golaha Ammaankana ee Qarammada Midoobayna inay dib u fiiriyaan qaraarkooda isla markaasna ay dalkaas ka soo saaraan ciidan kasta oo lagu tuhmayo inuu dhinacyada is haya midkood la saftay.