Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa maalintii labaad ku sugan Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, Waxaana halkaas uga socda kulamo u kuur galida xaalada deegaanka ah.
Madaxweynaha ayaa Xalay la kulmey Waxgaradka iyo Masuuliyiinta Degmada waxaana laga wada hadlay guud ahaan Amaanka iyo horumarinta Gobolka Mudug iyo baahida ka jirta sidii loo dabooli lahaa.
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo meelmarinaya barnaamijkiisii siyaasadeed ee uu kusoo galay ololaha doorashada ayaa hada ku howlan meelmarinta barnaamijkaas oo ajandihiisa ugu wayn ahaa Isbadal baaxad weyn oo lagu sameynayo guud ahaan Puntland iyo in guud ahaanPuntland la gaarsiiyo Dowladnimada qofwalbana dhadhamiyo Waxtarka Dowladnimada isagoo jooga deegaankiisa.