Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News– Korneyl Bare Hiiraale oo Raysal wasaaraha DF ka diidey inuu Kismaayo yimaado

$
0
0

Kismaayo– 13 apr.2014–Pi– Warar hoose oo rasmi ah oo ay heleen Hawlwadeenadabare hiiraale Puntlandi ayaa xaqiijinaya in Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed uu khadka Teleefoonka kula xiriirey Korneyl Barre Aadan Shire (Bare Hiiraale) iyadoo Raysal wasaaruhu uu Korneylka ku amrey inuu isaga iyo Ciidankiisu kusoo xeroodaan Kismaayo.

Arintaan ayaa timid Kulamo gooni gooni ah oo dhexmaray Raysal wasaaraha iyo Masuuliyiinta Jubaland iyo kulan gaara oo Raysal wasaaruhu uu la qaatey Beesha Sade waxgaradkooda iyo Siyaasiyiintooda, iyagoo isla meel dhigey in si hufan loo xaliyo arimaha ka jira Jubaland noocey doonaan ha ahaadeene, isla markaasna uu Korneyl Bare qaato Go’aanka ka soo baxay kulanka Waxgaradka iyo Raysal wasaaraha.

Sida ay Puntlandi xogta ku heleen Raysal wasaaruhu wuxuu Bare Hiiraale u gudbiyey go’aamadii ay wada qaateen isaga iyo Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha balse Korneylku si cad ayuu u diidey Go’aankaas isagoo daliil ka dhigtey in mar hadii Raga Muqdisho joogaa aysan arinta waxka ogayn uusan yeeleyn inuu Kismaayo yimaado (raga Muqdisho jooga ee Korney Bare Hiiraale sheegey waa kooxda ay isku siyaasada yihiin ee uu kamid ka yahay Cabdi Shire).

Sida aan warka ku helney Raysal wasaare Cabdiwali wuxuu Bare Hiiraale u sheegey in hadii uu aqbali waayo Go’aanka Beesha iyo Dowlada Federaalka ah uu la mid yahay kooxaha nabad diidka ah, go’aan cadna laga qaadan doono.

Wararka aan heleyno waxay kaloo sheegayaan in Raysal wasaaruhu uu sameeyey Gudi ka kooban Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Jubaland oo ka shaqeeya sidii loo badbaadin lahaa Boqolaal dhalin yaro ah oo ka amar qaata Korneylka, isla markaasna loo meeleyn lahaa dhalin yaradaas, Gudiga waxay si toosa ula shaqaynayaan xafiiska Raysal wasaaraha oo sahli doona wixii loo baahdo oo ay gudiga iyo maamulka Jubaland xalin waayaan ama ka wayn.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles