Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin– Madaxweyne Gaas iyo Gaalkacyo xagee kala marayaan

$
0
0

Gaalkacyo–9 Apr-2014–Pi– Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas wuxuu wali booqasho rasmi ah ku joogaa gobolkagaas Mudug, Safarka Madaxweynaha oo qorshuhu ahaa 10 cisho ayaa ku salaysnaa u kuur galid xaalada gobolka iyo sidii isbadalka ka jaan qaadey Puntland uu u gaari lahaa Gobolka, LAAKIIN imaatinkii Madaxweynaha iyo qorshihiisii 10 ka cisho waxaa dib u dhac ku ridey Dilkii ka dhacay Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Madaxweynuhu wuxuu Xalay kulan deg deg ah isugu yeerey Hogaanka Dhaqanka ee Gobolka, wadahada dheer ka dib waxaa la isla meel dhigey in ay Waxgaradku ay waxka badalaan habdhaqankii hore ee Magaalada curyaamiyey isla markaasna ay isbadal muuqda la yimaadaan, warar hoose oo Puntlandi heleen waxay sheegayaan in Madaxweyne Gaas uu si cad ugu soo bandhigey Odoyaasha dhaqanka Isbadalka uu damacsan yahay kasoo ah mid si deg deg ah uu ugu talaabsan doono. Odoyaashuna waa ku taageereen Madaxweynaha, waxayna balan qaadeen iney buuxinayaan kaalintooda.

Sida aan Xogta ku helney Guud ahaan Masuuliyiinta Gobolka, kuwo maamul iyo kuwo Ciidanba waa la badalayaa, Waxaa iyana qorsheysan in Guud ahaan Ciidanka Gaalkacyo jooga, Xitaa Bileyska laga qaadi doono magaalada isla markaasna lagu soo badali doono Ciidan cusub, waxa iyana jira warar sheegaya in Ciidanka cusub laga keeni doono deegaanada kale ee Puntland, warar waxaa jira iyana sheegaya in Ciidanka hada Magaalada jooga la geyn doono Godod oo isla Gobolka Mudug ah, kuwa hada Godod joogana waxaa la keeni doonaa Gaalkacyo, waxaana lagusoo xoojin doona Ciidan laga keeni doono Gobolada kale.

Falkii foosha xumaa ee isniintii ka dhacay Garoonka Cabdullaahi Yusuf Intenational wuxuu sababay in Madaxweynuhu uu go’aan adag ka qaato xaalada Gobolka, wuxuuna maalmahaan ku mashquulsan yahay wada tashi dheer iyo inuu seefta galka ka siibto taasooo dusha uga dhacaysa nin walba oo masuul ka haya Gaalkacyo.

Dhinaca kale Ciidamada PIS-ta ayaa qayb weyn hada ka qaadanaya amaanka Magaalada, waxaana muuqata isbadal baaxad weyn oo hada laga dareemayo Magaalada.

Puntlandi.com
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles