Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo Sawirada Madaxweyne Gaas iyo Bulshada Gaalkacyo oo fikrado is dhaafsadey

$
0
0

Arbaca 09, 04, 2014 Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo qaar ka mid ah golayaasha Dawladda oo safarkiisa ku wehelinayay ayaa maanta magaalada Galkacayo ee xarunta Gobolka Mudug kula shiray bulshada kala duwan ee ku dhaqan gobolkaasi.

Bulshada kulanka ka qayb gashay oo aad u fara badnayd ayaa madaxweynaha dawladda Puntland usoo gudbiyay talooyin kala duwan kuwaasi oo ay ku tilmaamayeen inay hormuud u noqon karaan in Gobolka Mudug gaar ahaana magaalada Galkacayo wax looga qaban karo baahiyaha ka taagan, isla markaana ay muhiim tahay in bulshada wada tashi lagala yeesho tallabooyinka la qaadi karo.

Waxay sidoo kale muujiyeen inay aad uga xun yihiin dilkii maalinamdii dorraad garoonka diyaaradaha ee Galkacayo loogu gaystay laba sarkaal oo ajaanib ah una shaqaynayay hay’adaha Qaramada Midoobay, iyagoo tacsi u diray ehelada ay kasoo jeedeen, waxayna ballan qaadeen inay muujin doonaan dareen tilmaamaya sida ay shacabka Gobolku uga xun yihiin dhacdadaasi.

Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa uga mahad celiyay bulshada magaalada Galkacayo sidii diiranayd ee ay ugu soo dhoweeyeen magaalada.

Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli ayaa si qota dheer u dhagaystay talooyinka kala duwan ee kasoo baxayay bulshadii uu maanta kula kulmay magaalada Galkacayo, wuxuuna si cad u tilmaamay in uu qaadanayo oo ku dhaqmi doono inta ugu wanaagsan talooyinka ay bulshada Gobolka Mudug usoo gidbiyeen hogaanka sare ee Dawladda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedka safarkiisa Gobolka Mudug uu ku salaysan yahay sidii ay dawladdu u waraysan lahayd ulana tashan lahayd Bulshada, si loo helo isbedelkii ay dawladdiisu ballan qaaday.

Kulanka oo qaatay saacado fara badan ayaa hal kudhig looga dhigay “Kulanka Wada Tashiga Dawladda Iyo Shacabka Galkacayo” waxaana soo qaban qaabisay hay’adda cilmi barista Puntland ee PDRC.

-DHAMAAD-
IMG_7763

IMG_7731

IMG_7718

IMG_7699[1]

IMG_7694

IMG_7658

IMG_7672

IMG_7676

IMG_7686

IMG_7690

IMG_7649

IMG_7647

IMG_7644

IMG_7642

IMG_7614

IMG_7544

IMG_7555

IMG_7566

IMG_7578

IMG_7587

IMG_7539

IMG_7525

IMG_7513

IMG_7510

IMG_7508

IMG_7474

IMG_7480

IMG_7482

IMG_7489

IMG_7498

IMG_7471

IMG_7467

IMG_7456

IMG_7451

IMG_7448

IMG_7416

IMG_7423

IMG_7435

IMG_7443

IMG_7446

IMG_7410

IMG_7405

IMG_7403

IMG_7402

IMG_7398

IMG_7352

IMG_7373

IMG_7378

IMG_7382

IMG_7388

IMG_7344

IMG_7334

IMG_7313

IMG_7303

IMG_7294

IMG_7710

IMG_7260

IMG_7265

IMG_7267

IMG_7275


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles