Kismaayo–29 Juun,2013–Puntlandi– Saaka Waabarigii ayaa Ciidanka Dowlada Jubaland waxay Bilaabeen Howlgal Xoogan ka dib markii la xaqiijiyey in ilaa Xalay ay kooxo ka tirsan Al-shabaab soo galeen gudaha Magaalada si ay uga faa’iideystaan Dagaaladii shalay ka dhacay magaalada iyo Xurgufta dhextaal Dowlada Jubaland iyo kooxo Maleeshiyaad ah oo Dowlada federaalka ah gadaal ka soo riixeyso.
Xaafada Guulwade iyo warshada hilibka oo xarun ahayd Maleeshiyaadka ayaa Ciidamadui goor dhaweyd si buuxda ula wareegeen, Waxaana Howlgalka saaka uu ahaa mid Xoogan oo Ciidanka Jubaland si buuxda ugusoo tabaabusheysteen, Walina waa socdaa Howlgalku wuxuuna u muuqdaa mid goor dhow lasoo afjarayo.
Korneyl Bare Hiiraale ayaa naloo Xaqiijiyey inuu isga baxay Magaalada isagoo wata horin Maleeshiya ah wuxuuna u Baxsadey dhinaca Goobweyn oo aan saas uga fogayn Al-shabaab meelaha ay joogaan, Hadii uu Bare Hiiraale uu dhaafo Goobweyn waxaa halkaas ka cadaanaysa in uu Gacansaar la leeyahay Al-shabaab maadaama wixii loo dhaafo Goobwayn ay Al-shabaab ku xoog badan yihiin, Ciidadamada Jubaland ayaa imidka si xoogan ugusii qulqulaya dhinaca Goobwayn.
Khasaaraha ka dhashey Howlgalkaan ma cada ilaa hada, balse warar hordhac ah oo Howlwadeenada Puntlandi helayaan waxay sheegayaan iney dhimasho badan jirto dhinaca Maleeshiyaadka ay Dowlada Federaalka ah dabada ka riixayso, dhinaca Ciidanka Jubaland waxaa ilaa hada naloo xaqiijiyey 4 dhimasho ah.
Sida ay Puntlandi Warar hoose ku heleen goor dhaweyd Ciidmada Jubaland waxay taargad garaynayaan iney gacanta kusoo dhigaan Raga sheegtey iney Madaxweyne ka yihiin Jubaland, lakiin ilaa hada ma jiraan cid ay gacanta kusoo dhigeen.
ciidamada Kenya iyagu Wax dhaqdhaqaaq ah ma aysan sameyn ilaa hada.
wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com