Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Dowlada Itoobiya u xaqiijiyey in Xasan Daahir maxkamad lagu saari dooni Muqdisho

$
0
0

Warar lagasoo xigtey dhinaca Itoobiya waxay sheegayaan in Dowlada Itoobiya iyo Dowlada Federaalku ay kawada hadleen Xaalada Xasan Daahir Aways iyo qorshaha Dowlada federaalka ah, waxaana dhinaca Itoobiya laga sheegey in Madaxweyne xasan Sheikh uu Itoobiya ka balan qaadey in Xasan Sheikh Muqdisho la keenayo laguna maxkamadeynayo halkaas.

Dhinaca kale Warar waxaa jira iyana sheegaya in Dowlada Mareykanku ay u ololaynayoso in Xasan Daahir Aweys iyaga loosoo gacan Galiyo maadaama uu ku jiro liiska Argagixisada Aduunka ee la raadinayo.

Wararkale oo Dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Itoobiya ay wadaan sidii iyagu ay gacanta ugusoo dhigi lahaayeen Xasan Daahir, maadaama ay hada muuqato ineysan Dowlada Federaalka ah aysan iyagu gacanta ku heyn, waxaana jira baqdin ay Itoobiya ka baqayso inay Dowlada Federaalka ah ku guul dareysato soo gacan galinta Xasan Daahir Aways.

Sirdoonka Itoobiya ayaa si aad ah ula socda dhaqdhaqaaqa ka socda Cadoodo iyo Xaalada xasan Daahir waxaa sidaas Puntlandi u Xaqiijiyey Dublamaasi Itoobiyaan ah.

Puntlandi.com
Adis ababa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles