Wali waxaa socda meel fiicana maraya Dhaqaale u ururinta Wadada Wadaagsimo ee isku xirta Gaalkacyo ilaa Garacad, dhinaca kalena waxaa feer socda howsheeda Wadad isku xirta Gaalkacyo ilaa Galdogob, Waa Howl laga sugayo Qurba joogta Reer Puntland iney gacan wayn ka gaystaan, si kale hadaan u iraahdana dabcan Dhismaha Wadadaan waxaa laga sugayaa Qurba joogta Puntland guud ahaan.
Wadamada Qaarkood waxaa mar hore laga bilaabay Dhaqaale u ururinta Wadaagsimo, waxayna sameeyeen gudiyo loo xilsaarey, Wadamada aan wali howshaan Guda Galin waxaa laga codsanayaa iney ku dadaalaan ka qaybqaadashada Wadada Wadaagsimo, Waa mashruucii ugu horeeyey ee noociisa ah waxtar wayna u yeelanaya Puntland, Waa mashruuc muhiim ah. waa mashruuc aad iyo Aad u anfici doona Qurba joogta.
Hadii Mashruucaan lagu guuleysto, Dabcan Insha allaah waa lagu guuleysanayaa, hadii aad isxilqaantaane Waxaad awoodi doontaan inaad kusoo raaxaysataan Xeebta Garacad habaynkiina usoo hoyataan Gaalkacyo ama Goldogob.
Wallaahi hadii Qofwalba oo Reer Puntland ah quuro 10 Dolar bishii ugu yaraan lix bilood oo joogto ah, waxaa la dhisi karaa, Gaalkacyo ilaa meeesha loo yaqaab lama gaaraan,
Waxaase ka horeeya oo Qurba joogta looga baahan yahay iney Marka hore Hurdada ka kacaan, Markaasaad waxtari kartaan dalkiinii.
Ganacsatada Gudaha iyo Dibada Waxaa iyaga laga rabaa tabarucaad fiican iyo iney ka qaybqaataan dhismaha Dalka idinkoo ka bilaabaya Wadada Wadaagsimo, waan la soconaa qaarkiin hadadaan la joogo kaalin fiican baad ka qaadataan horumarinta Dalka lakiin waxaan idinku boorinaynaa in la dhamaystiro Wadaagsimo.
Garan mayo sababta la iidnka baryayo 10 Dollar oo lix bilood ah, waayo hadaan Anigu Wadanka Haysan lahaa oo aan ka talin lahaa Walaahi Qof walba oo Reer Puntland ah meel kastoo uu joogo waxaan Khasab uga dhigi lahaa 10 Dollar oo canshuur ah inuu bixiyo, intaad nooshihiin., Waa waxa Isreal Carabta ku Qabsatey, Qofkii Diidana jeedal baa yaqaan markuu dalka Yimaado.