Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Sawiro iyo Warsaxaafadeed… Madaxweynaha Puntland oo soo xiray shirka Qorshe-Hawleedka Xukuumadda

$
0
0


WAR-SAXAAFADEED

Sabti 08 March, Garowe:-  Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Galabta soo xiray shirka Qorshe-Hawleedka Xukuumadda sanadka hore oo muddo laba maalmood ah ka socday Jaamacadda PSU Garowe.

Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar iyo wasiiradda xukuumadda Puntland ayaa ka qaybgalayay, waxana Maanta Xubnaha Xukuumadda loo kala saaray shan guddi oo mid weliba ka soo shaqeeyeen qodob ka mida shanta dhinac ee Xukuumadda Qorshaha u ah.

Ujeedka Shirkan ayaa ahaa mid lagu lafagurayo sidii Qorshaha Dowladda iyo balanqaadkii dadka loo galay loogu bedeli lahaa Ficil.

Shirka waxa ka soo baxay saddex Qodob oo kala ah:

1-In Wasaarad weliba fuliso Qorshayaasha dowladda waqtiga loo xadiday.

2-In wasaaraduhu isula shaqeeyaan qaabka gudiyadda loo qaybiyay.

3-In Guddi walba soo gudbiyo warbixinta waxqabadka wagtiga loo cayimay.

 

Madaxweynaha Puntland oo saxaafada la hadlay dhamaadkii ayaa sheegay in si fiican la iskula meel dhigay qorshaha sanadka kowaad ee ay ku hawlgaleyso xukuumaddu, waxana la guda geli doonaa fulinta qodobadda ka soo baxay shirka.

Sawirada hoos ka daawo

Dhamaaad

Communications Office
The Puntland Presidency

IMG_0408

IMG_0411

IMG_0415

IMG_0419

IMG_0426

IMG_0431

IMG_0473

IMG_0481

IMG_0487


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles