Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay Waraysteen BBC Soomaali ayaa si kulul uga hadley hadalo si qaldan loo fasirey oo sheegayay iney Puntland dalbatey Ciidamada Amsiom, Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqey ineysan Puntland sinaba u dalban Ciidan shisheeyey, isagoo sheegey in Ciidanka Puntland oo si buuxda ugu filan yahay amaanka.
Madaxweynuhu wuxuu sheegey in si qaldan loo fasirtey hadal wareysi ah oo uu siiyey Hay’ada Wararka Reators, Madaxweynuhu wuxuu yiri ” Sidaan la socono La dagaalanka al-shabaab waxaa lagu bixiyaa kharash iyo Qalab, anaguna qayb baan ka nahay ladagaalankooda, Ciidankayagu waa iney helaan Agabka ay helaan Amisom, haduu dhaqaale ahaan lahaa ama Qalab ahaan lahaa, kaas ayaan dalbaney ee Ciidan ma aanaan Dalban, mana dalbaneyno”
Puntlandi.com