Garowe–8 Maarso 2014–Pi– Sida ay howlwadeenada Puntlandi warar hoose ku heleen Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa qorsheynaya in laga tanaasulo dhaqan siyaasadeed soo jirey in mudo ah kasoo ahaa in Madaxweynuhu uu magacaabo Gudoomiyaha Gobolka, Arintaan wuxuu Madaxweynuhu uga gol leeyahay in labaahiyo Awooda Shacabka.
Qorshaha Xukuumada cusub waxaa kamid ah in Gobolada Puntland iyo Degmooyinka loo sameeyo Gudi(Gudiga Gobolka iyo Gudiga Degmada), badanaa Degmooyinka Puntland hada waxay leeyihiin Gudi Degmo kuwasoo iyagu iska dhex doorta Duqa Degmada iyo kuxuigeenadiisa, Taas mid la mid ah ayaa hada loo sameynayaa Gobolada, Gobolada Puntland waxaa awal Gudoomiyaha usoo magacaabi jirey Madaxweynaha laakiin taasi waxay hada noqoneysaa caado laga tagay oo Shacabka ayaa soo dooranaya Gudoomiyahooda Gobolka.
Qorshahaan ayaa dhowaan lasoo bandhigi doonaa iyadoo xukuumadu ay gacan wayn ka geysan doonto marka u horeysa oo la hirgalinayo Gudiga Gobolka.
Puntlandi.com
post@puntlandi.com