Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Ciidamada Jubaland oo Howlgalkii ugo xooganaa saaka ka bilaabay Kismaay

Ciidamada amaanka Jubaland ayaa Saaka waabarigii bilaabay Howlgal xoogan oo aan cidna loo aaba yeeleen magaaladana looga Sifeynayo Maleeshiyaadka hubeysan ee Qaska ka Qarxiya Magaalada.

Howlgalka saaka bilowdey ayaa ah mid lagu bar tilmaamaysanayo Shaqsiyaadka amaandarada ka wada magaalada, Kaasoo dhalin kara Iska hor imaad, Saraakiisha Ciidanka oo Puntlandi la hadlay subaxnimadii hore ee saaka waxay sheegeen in ay Ciidanka Jubaland u diyaar garoobeen Howlgalkaan.

Dhinaca kale waxaa maalmahaan batay saxaafadaha Koonfurta Soomaaliya oo been abuur iyo buun buunin ka sameeya Wararka Kismaayo.

Shalay Magaalada waxaa ka dhacay Dagaalo goosgoos ah oo Maleeshiyaad taageersan Dowlada Federaalka ah ay dhowr meelood oo magaalada ah ka sameeyeen, Mana ahayn Dagaal ay Ciidanka Jubaland si toosa ugaleen balse wuxuu ahaa mid ay maleeshiyaadku xabada kusoo tuurtuureen Goobo Ciidanku degan yihiin.

Laakiin Goor galab gaabadkii shalay ah ayaa Ciidanku ay si xoogan u weerareen koox Maleeshiyo ah oo isku urursaday meel u dhow Xero Daraawiish, waxaana halkaas ay Ciidanku Eryadeen Maleeshiyaadkii taabacsanaa Dowlada Federaalka ah, Waxaana laga qabsadey laba Qori oo nooca culus ah, Isla markiina Ciidanku waxayk ku guuleysteen iney kala eryaan maleeshiyaadka, Sidaas ayaa qoraxdu ugu dhacdey oo loo kala seexdey.

Waxaana saaka bilowdey Howlgalkaan xoogan.

wixii soo kordha kala soco Puntlandi oo ah isha kaliya ee wararka tafa tiran aad ka helaysid.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles