Muqdishoi–7 Feb.2014–Pi–Madaxweynaha Dowlada Puntland prof. cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdigii la socdey oo maanta ka qaybgalay aaska Qaran ee Alla ha u naxariistee Raysal Wasaarihii hore Marxuum Cabdirsaaq xaaji Xuseen ayaa maanta ku soo laabanaya Garowe, Wafdiga oo Muqdisho soo gaaray Shalay ayaa ujeedkoodu ahaa ka qaybgalka aaska, Warar aad ugu dhow Madaxtooyada Puntland ayaa Puntlandi u sheegey in Madaxweynuhu uu saacadaha soo socda kasoo duuli doono Muqdisho.
Dhinaca kale Ciidanka Ilalaada Madaxweynaha oo oo qaarkood diyaarada Madaxweynaha saaranyihiin ayaa Cutubka kale oo iyana Diyaarad khaasa wata waxay ka dambeynayaa daqiiqado, ilaa Madaxweynuhu uu ka duulayo Muqdishona dhulka ayay joogayaan ciidankaan, markaas ka dib ayay iyana soo duulayaan.
Puntlandi.com
Muqdisho