Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Alla ha u naxariistee Marxuum Cabdirsaaq X. Xuseen oo Subaxa Jamcada la keenayo Muqdisho isla markiina la aasi doono

$
0
0

Jamcada 8:00 subaxnimo ayaa la sugayaa iney soo caga dhigato diyaarada sida Meydka alla ha u naxariistee Raysal wasaarihii labaad ee Soomaaliya Marxuum Cabdirsaaq Xaaji Xuseen.

Isla marka la keeno ayaa salaada jinaasada ka dib waxaa lagu aasayaa Muqdisho, inkastoo amaanka awgiis aanaan sheeginkarin meesha looga aasayo muqdisho.

Waxaa maanta Muqdisho kasoo degay diyaarado badan oo sida masuuliyiin ka qayb qaadanaya aaska Marxuumka.

Marxuumka oo meydkiisa ay soo qaadey Turkish Airline waxaa la socda xubno ka mid ah Qoyska marxuumka oo walaalkiis ka mid yahay.

innaa Lliliaahi wa innaa ilayhu raajicuun, Illaahay janadii haka waraabiyo, dabigiisana ha dhaafo, aaamiin aaamiin.

Masadxweyanaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali gaas oo hogaaminaya Isimo, xubno ka tirsan golaha wasiirada, Xildhibaano ayaa Maanta Muqdisho u yimid iney aasaan Marxuumka, waxaa isna wafdiga madaxweynaha ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland mudane Maxamuus Muuse xirsi (cade muuse).

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Raysal wasaarihii hore Cali kaxamed Geedi ayaa iyana maanta Muqdisho soo gaaray si ay uga qayb qayb qaataan aaska Marxuumka.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles