Qarax is miidaamin ah oo lala beegsadey Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Dalka Afganistan ayaa shaqaalihii ku dhintey waxaa ka mid ahaa Haweyney Soomaali ah oo Shaqaalaha UNICEF ka mid ahayd, Laguna magacaabo Basra Faarah Xasan.
Basra waxay walaalo yihiin Qoraaga Soomaaliyeed ee Caanka ah Nuuradiin Xaaji Farax, waxayna ka tirsanayd Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ka howl gala Afganistaan.
Dhamaan Howlwadeenada Puntlandi waxay tacsi u dirayaan Qoyska Reer Farax Xasan , si gaara waxaan ugu tacsiyeynaynaa Qoraa Nuuradiin Geerida ku timid walaashii.
Marxuumadana waxaan illaahay uga baryeynee Jano waarta iyo dambi dhaaf.