Magaalada Kismaayo waxaa ka socda qaban qaabad Xaflad balaaran oo lagu caleem saarayo Dowlada Jubaland, Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu todobaadkaan magacaabey laba wasiir isagoo horeyna Sideed u soo magacaabey, hadaba 20 bishaan Janaayo waxaa Caleema saar loosameynataa xukuumada Dowlada Jubaland.
Madaxda la casumay
Maanta waxaa Kismaayo soo gaarey Wafdi ay kamid ahaayeen Raysal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi iyo Cabdiraxmaan Macalin Baadiyow, Beri waxaa subaxa hore imanaya Wafdi balaaran oo Beesha caalamka ka socda ayna kamid yihiin 19 safiir, Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo Nicholas Kay uu hogaaminayo.
Puntland waxaa ka imaanaya Beri subaxWafdi hada Gaalkacyo ku sugan oo uu hogaaminayo Madaxweyne Xigeenka Puntland Cabdikariim Xaaji Camey kuwasoo ka kooban Toboneeyo, uu ku jiro Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jamac Tigey.
Dowlada Federaalka waxaa ka imaanaya Wafdi isugu jira wasiiro ka kooban afar iyo Toboneeye Xildhibaan.
Kenya waxaa ka imanaya Wafdi isugu jira Saraakiil ciidan iyo Masuuliyiin ka socda Dowlada Kenya, Itoobiya iyana waxaa ka imanaya Wafdi aan la shaacin.
Sida aan Warar hoose oo aad ugu dhow Gudiga Qabanqaabada xaflada waxay noo sheegeen in ugu yaraan laba boqol oo marti ah ay kasoo qayb galayso Xaflada.
Xaflada waxaa lagu qabanayaa hoolka Madaxtooyada Jubaland.
Puntlandi
Kismaayo