Murashax Shire xaaji farax oo saacado badan ku xayirnaa meel ka baxsan Garowe ka dib markii Ciidanka Amaanka Puntland ay ku amreen inuu kasoo tago laba gaari oo Tikniko ah intuusan Caasimada Galin ayaa goor dhaweyd lagu guuleystey inuu is fahan dhex maro Murashaxa iyo Hagaanka sare ee Ciidanka.
Murashax Cali Xaaji Warsame ayaa ukala dab qqadey labada dhinac waxaana la isla gartey in Murashuxu uu Labada gaari kan Culus kasoo tago, midna uu La soo galo magaalada.
Sida ay Howlwadeenada Puntlandi warka ku heleen, Kulan dhex maray Gen. Siciid Dheere, Cali Xaaji Warsame iyo Shire Xaaji Farax ayaa go’aankaan la isla qaatey.
Puntlandi.com
Garowe