Ururu goboleedka IGAD ayaa maanta oo axad ah u magacaabay Danijire Maxamed Cabdi Afey oo ah siyaasi ka soo jeeda gobolka Woqooyi Bari Kenya.
War kasoo baxay Xoghayaha guud ee Ururu goboleedka IGAD Maxbuub Macallin ayaa lagu sheegay in IGAD u magacaawaday Maxamed Cabdi Afey inuu noqdo ergayga ururkaas u qaabilsan Soomaaliya.
Danjire Maxamed Cadbi Afey ayaa horay usoo noqday safiirka Kenya u qaabilsan dalka Soomaaliya xiligii Xukuumadii AUN Madaxweyne Cabdullahi Yusuf, wuxuuna qeyb ka weyn ka qaatay dhismaha dowladda Soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka Kenya.
Puntlandi.com
Adis Ababa