Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Warsaxaafadeed . . Musharax Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Warsaxaafadeed kasoo saarey Xaalada Puntland iyo Doorashada

$
0
0

Galkacyo, (Xafiiska Warfaafinta Mudane Cabdiweli Maxamed Cali)

Warsaxaafadeed
27 Nov.2013
Murashax Dr Abdiweli Mohamed Ali, wuxuu soo dhoweynayaa mudnaanta Wufuudda Beesha Caalamku ay u hayaan Doorashooyinka  Puntland iyo Gargaarkii Bani’aadmino ee loogu tabarucay dadweynihii dhibaatada dufaantu ku habsatay.

Galkcacyo, Puntland - 27 November 2013

Labadii Todobaad ee la soo dhaafay waxay ahaayeen kuwo muujiyey adkeysiga iyo isku tashiga Shacabka reer Puntland. Ayadoo lagu jiro u diyaar garow Doorashooyinka sanadka  2014ka horaantiisa, ayaa Gobolo iyo degmooyin ka mid ah Puntland waxaa ku habsaday musiibooyin dabiici ah, oo waxyeelo u geystay dad, duunyo iyo degaankaba. Waxaa Mahad leh in Dadku isku tashtay, kuna daadaalen sidii ay dhibka u wada qeybsan lahaayeen.

Arrimaha Bani’aadminida (Humanitarian):

1. Waxaan Bogaadin u dirayaa dadkii isu xilqaamaay in ay taageeraan Walaalahooda Duufaanaha ku wax yeeloobay iyo deeqihii ay u fidiyeen sida hagar la’aanta ah. Taageeradaas oo ka kala timid inta badan dalka gudihiisa iyo Jaaliyadaha dibedda.

2. Waxaan Bogaadin u dirayaa Hay’adaha iyo Wadamada Beesha Caalamka gurmadkii ay ugu yabooheen dadkii waxayeeladu ka soo gaartay Duufanaha, gaar ahaan waddamada Djibouti, Ethiopia, Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, United Nations iyo dhamaan Hay’adaha ka howl gala waddanka gudihiisa.

3. Dhamaan waxaan xusuusinayaa in dad badan ay ku hanti iyo degaamo beeleen Duufanaha, sidaas awgeed loo baahan yahay in dadkaas loo sameeyo hanti abuuris sida xoolo dhaqatada iyo kaluumeysatada oo laga caawiyo agab ay dib ugu soo ceshtaan nolol maal meedkoodii.

Arrimaha Doorashooyinka (Elections):

4. Todobaadkii la soo dhaafay waxaan la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Wefdiga Reer Yurub iyo Madax badan oo ka mid ah waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya oo aan ka wada hadalnay baahida Arrimaha Bani’aadminimo ee dalka ka jirta iyo arrimaha Doorashooyinka.

5. Waxaan soo dhoweynayaa socdaalkii Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilson Soomaaliya (SRSG) uu ku booqday Magaalooyinka Garowe, Galkacyo iyo Boosaaso. Socdaalkaas oo looga arrinsaday kordhinta dadaalada Doorashooyinka Puntland.

6. Waxaan sidoo kale soo dhoweynayaa socdaalkii Safiirada Reer Yurub iyo Ingriiska ay ku tageen Garowe, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxda Dhaqanka iyo Siyaasiyiin, loogana arrinsaday sidii doorasho xor ah, madax banaan oo waafaqsan Dastuuka Puntland ay u qabsoomi lahayd wakhtigii loogu talo galay.

Soo jeedin (Conclusion):

1. Waxaan u soo jeedinayaa Madaxda Dhaqan ee ku howlan soo xulista Xubnaha Baarlamanka in ay ku soo dhameystiraan wakhtigii loogu talo galay.

2. In Madaxda Dhaqanka laga daayo fara gelinta siyaasadeed, laguna xurmeeyo doorkooda, si ay u soo xulaan Xubnaha Baarlamaanka wakhtigii loogu talo galay.

3. In Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka lagu soo xulo wadatashi u dhexeeya Madaxda, Dhaqanka, Murashaxiinta, lagana soo xulo bulshada rayidka ah, ayna ahaadaan shakhsiyaad karaamo ku leh bulshada dhexdeeda oo aan loo arag in ay cid gaar ah la safan yihiin ama la siyaasad yihiin, si go’aamadooda aan loogu arag kuwo aan dhexdhexaad ahayn.

For futher details please email:Puntland2014@gmail.com

## Dhammaad ##


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles