Baarlamaanka Dowlada Federaalka ah ayaa waxaa horyaal Imtixaan aad u adag oo ay ku waayi karaan Kalsoonida shacabka iyo kan Beesha Caalamka, sidaan la socono Beesha caalamku iyagaa bixiya Mushaarka Xildhibaanada.
Mooshinka horyaal xildhibaanada ee laga keeney Raysal wasaaraha waa mid noqon kara malagii Baarlamaanka hada jira dili lahaa, hadii aysan u maarayn sida sharcigu farayo, Sida aan la socono Mooshinku ma ahan mid ay xildhibaanadu iyagu soo hindiseen ama iyagoo waajibkooda gudanaya ay kasoo shaqeeyeen, Mooshinka waxaa lagasoo xawiley Villa Soomaaliya, Waana manuuc sharaci daro ah in Madaxtooyadu/Madaxweynuhu uu mooshin kasoo gudbiyo Raysal wasaaraha Dalka, waxaa foom xumo iyo sharci daro kale ah in Madaxweynuhu uu si hoose u adeegsanayo Xildhibaanada qaarkood si ay usoo abaabulaan mooshinka oo u horkeenaan Baarlamaanka isagoo laaluush fara badan siinaya.
Waxa hada ka socda Baarlamaanka ma ahan mid qarsoon, Mooshinka laga keeney Raysal wasaaraha inuusan sharciga waafaqsaneyn ninka kabaha ku buraashaya shabeele wuu ogyahay, lakiin Fadeexada ugu wayn waxay imaanaysaa markii Baarlamaanku isa soo hor fariisto oo ay yiraahdaan Waxaa loo codeynayaa Mooshin uu Madaxweyne xasan Sheikh kasoo gudbiyey Raysal Wasaare Saacid, Siyaasiyiin rugcadaa ah iyo Saraakiil ka tirsan Beesha Caalamka oo loo sharaxay sida Mooshinku ku yimid waxay ku tilmaameen Fadeexad iyo is xasuusin Baarlamaanadii kumeelgaarka ahaa, hadey dhacdana waa qar iska tuurkii ugu waynaa ee Xildhibaanadu sameeyaan.
Norway waa Dalka ugu horeeya Caalamka ee ladagaalama Musuqmaasuqa, Beljam sidoo kale, waxayna kamid yihiin Dalalka Bixiya Mushaarka Xildhibaanada iyo shaqaalaha Dowlada Qaarkood, waxaana sidaas loo sameeyey in lala dagaalamo Musuqmaasuqa iyo Laaluushka, Dalalkaan ayaa ka mid ah Dalalka sida gaarka ah u eegaya sida ay Xildhibaanadu u maareeyaan Mooshinka laga keeney Raysal Wasaaraha.
Waxaa la hayaa Cadeymo in Villa Soomaaliya ay lacago badan ku bixinayaan laaluusha la laaluushayo Xildhibaanada si Raysal Wasaaraha loo tuuro.
shalay 26 Nov.2013 Waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho looga yeerey Madaxweyne Xasan Sheikh, waxaana halkaas kula kulmey Safiirada Beesha Caalamka, waxaa Madaxweynaha laga buuxiyey Waraqo ay ku qoran yihiin jawaabaha su’aalo laga waydiiyey Madaxweynaha, Mooshinka Raysal wasaaraha laga gudbiyey iyo intuu madaxweynuhu ka ogyahay, Allow sahal amuuraha ayaa meesha ka dhacay, waxayna Wafdiga Beesha Caalmku ku laabteen Nairobi iyagoo wada tashi ula laabtey Dalakooda.
30.11.2013 oo ah maalin Sabtiya ayaa Xildhibaanadu ku balameen iney ka doodaan Mooshinka Raysal Wasaaraha.
Kala soco Puntlandi wararka rasmiga ah ee maalintaas iyo Baarlamaanka Soomaaliya.