Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta looga yeerey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho halkaasoo ay ku sugayeen koox ka socda Beesha Caalamka una yimid Muqdisho iney Madaxweynaha waxka waydiiyaan Mooshinka lagu eedeynayo Madaxweynuhu inuu ka dambeeyo ee laga keeney Raysal wasaaraha, Kulanka ka dhacay Garoonka diyaaradaha ayaa u muuqadey mid xasaasi ah ayna su’aalo adag horyaalaan Madaxweyn Xasan.
Kulanka ayaa waxaa kaloo laga hadley musuqmaasuqa hareeyey Villa Soomaaliya iyo iscasilaadii gudoomiyaha Bangiga dhexe, wuxuuna Madaxweyne xasan uu Besha Caalamka u sheegey in Mooshinka yaal Baarlamaanka uu yahay mid u yaal Xildhibanada uuna isagu tix galinayo wixii ksoo baxa.
Puntlandi
Muqdisho