Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Tarsan oo Abaabul ka bilaabey Muqdisho uu isbaaro ugu dhiganayo kaalmada Puntland u socata

$
0
0

Olole balaaran oo isbaaro iyo dhac loogu geysanyo deeqdii lacageed ee shacbiga Tv-yada dalka Qadar ugu qaadhameen shacbigii soomaliyeed ee reer Puntland ee dufaantu naf iyo maalba tirtay oo si xoog leh uga bilaabmay magaalada Xamar.

ololahaan oo ay wadaan shaqaalaha xafiiska Madaxeynaha,gudoomiye Tarsan,koox xildhibaano ah oo ay ku adeegtaan,calankana uu u sido xildhibaan Dalxa iyo warbaajinta Tarsan taageerta ee xamar.

ololahan isbaarada ah baa loo soo geliye shaati Shabeelada dhaxe, iyadoo si lacagta loo dhaco, oo gacanta loogu dhigo, loo muujinayo in waxaa ka dhacday Shabeelada dhaxe ka dhacay ay ka aafo iyo waxyeelo weynihiin waxii ka dhacday Puntland,ee walaalaha reer Qadar ay Puntland ugu damqadeen.

Waxaa xaqiiqo ah in shacbiga reer Shabeelada dhaxe iyo midka reer Puntland yihiin laba shacbi oo waaalo ah, isla markaana u baahan in isku si loogu gurmado, lakiin su’aashu waxaa weeye Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Tarsan ma hadda mar kay BBC London ka maqleen cadadka lacagta Tv Qadar duufanta Puntland u uruuriyeen bay ku baraarugeen dhibaatada Shabeelada hoose ka dhacday, mida kale markii beesha Madaxweynuhu xasuuqa iyo barkicinta ka wadeen, walina ka wadaan Jowhar ito Shabeelada dhaxe XAGGE bay jiraan, mise lacagta shanqarteeda oo kaliya miyey maqlaan??.

Waxa Muqdisha ka socda oo ah qawda maqashii waa mid dadka lagu jahawareerinayo ayna ka dambeeyaan shaqsiyaad macalin ku ah dhaca hantida iyo xaqa shacabka lakiin waxay hilmaameen in maanta la joogo xili aduunkoo dhan indhaha ku hayo lagana dharag san yahay hab dhaqankooda.

Saasoo ay tahay ayay kooxda Villa Soomaaliya ay wali wadaan leex siga hantida iyo Xaqa shacabka Soomaaliyeed, Mana ahan mid hada ka dib lagu fiirsanayo.

Puntlandi
post@puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles