Cabdirsaaq Nuur Cabdulle oo Magaalada Nairobi shir jaraa’id ku qabtay 25 Nov. ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo Doorashada Madaxweynaha Puntland janaayo 2014, hoos ka daawo shirka jaraa’id ee musharax Cabdursaaq Caluula, waxaad kaloo hoos ka akhrisataa Bayaan uu soo saarey Musharuxu.
Bayaanka murashaxa madaxwaynanimo Abdirizag Noor Alula
Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 25-11-2013 shaaca kaqaadayaa inaan ahay musharax u taagan madaxwaynanimada dowlad goboleedka Puntland.
Sida aynu lasocono dowlad goboleedka Puntland waxaa la unkay sanadu markii ay ahayd 1998, waxaana ku bahoobay gobolo, kuna heshiiyey inay dhistaan maamul lagu magacaabo Puntland state. Puntland waxay ahayd aasaasayaashii iyo lafdhabrkii dowlada federaalka Somaaliya iyadoo dadaal dheer u gashay sidii lagu heli lahaa dowlad somaliyeed.
Puntland waxay jirsatay 15 sano waxayna ubaahan tahay hogaamiye aragti cusub iyo kartina uleh inuu kasaaro nidaamka hadda ay kujirto oo ah nidaamka beeleedka una saaro nidaamka axsaabta badan oo ay in badan oo wadamada aduunka ku dhaqmaan waqti xaadirkan.
Sababaha soo socda ayaa igu dhaliyey inaan u istaago tartanka madaxtinimada puntland
1. 1- kadib markaan odorosay xaaladda ay kusugan tahay Puntland iyo qatarta kusoo fool leh.
2. 2-kadib markaan arkay xaaladda kala daadsanaan ee kajirta bulshada reer Pnutland, arinkaasoo keenikara waxii lagu heshiiyey in lagu kala dareero, kaasoo keenikara in ay samaysmaan maamulo yar yar oo ka madaxbanaan Puntland.
3. 3-kadib markaan arkay xaalad abuurka siyaasadeed ee ku wajahan Puntland, kaasoo kaga imaanaya jihooyin kala duwan.
4. 4-kadib markaan daraaseeyey siyaasadda caalamiga iyo tan kuwajan geeska Afrika, kaasoo Puntland qayb katahay.
5. 5-kadib markaan eegay halka uu marayo abniga Puntland iyo xaaladda qatarta ku hareeraysan
6. 6-kadib marka aan eegay dhaqaalaha puntland oo gebi kasii dhacayo, ganacsatadiina ay ka wareegeen. Ilihii dhaqaalahana uu gaabis yahay wax soo saarkiisa.
7. 7-kadib marka aan qiimeeyey sida laysugu soo celinkaro midnimada Puntland iyo xiriir wanaagsan oo ay lasamaysato dowladda federaalka, wadamada deriska iyo bulshada caalamka.
8. 8-kadib marka aan fiiriyey aqoonta aan u leeyahay horumarka bashariga, horumarka ganacsiga iyo horumarka caalamka.
Waxaan go’aan ku gaaray anoo adeegsanaaya aqoontayda hogaamiyeed iyo mida horumarineed in aan ku anficikaro bulshadayda reer Puntland. Waxaana go’aansaday inaan u istaago tartanka madaxtinimo Puntland ee 2014 oo aan ilaahay xageesa karajaynayo waajibaadka uu igu leeyahay dalkayga iyo inaan ixsaan usameeyo anigoo aratidayda kusalaysan tahay Puntland oo kasoo dhexbaxda noqotana hormuudka geeska Afrika.
Wabillaahi Towfiiq