Warar hoose oo Puntlandi heleen ayaa Sheegaya in Shirkii Golaha Wasiirada ee shalay banaanka looga saaray Wasiirka Arimaha Dibada Yusuf Garaad kadib markuu Su’sal ka keenay Xil ka qaadistii lagu sameeyey Hanti dhowrka Guud Nuur Farax.
Kadib markii Golaha Wasiirada loo soo bandhigay Xilka qaadista Hanti dhowrka guud, ayaa yuusuf Garaad wuxuu arinta ku tilmaamey Sharci daro, Markaas kadib ayaa Raysal Wasaare Kheyre oo ka xumaaday Hadalka Wasiirku uu shakiga ku galiyey go’aankkisa ku aadan Xilka uu ka qaadista Hanti dhowrka, Wuxuu Yusuf Garaad ka codsadey inuu hoolka Shirka ka baxo.
Wararka hoose ee Puntlandi helayo waxay sheegayaan in Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Yusuf Garaad uu isku dayay inuu hor istaago Xilka qaadista lagu sameeyey Hanti dhowrka Dowlada Federaalka.
Hanti dhowrka Dowlada Federaalka Ayaa shalay Xilka laga qaadey kadib markii mid kamid ah Ilaaladiisu ay toogteen Alla ha u naxariistee Wasiirkii Howlaha Guud.
Puntlandi
Muqdisho