Kadib markii uu Raysal Wasaare Kheyre uu Xilka ka xayuubiyey Hanti dhowrka Guud Nuur Xasan ayaa waxaa soo baxaya sababaha looga qaadato Xilka
Sababaha Xi xilka looga qaaday Hanti Dhowrka Guud Nuur Faarax ayaa lagu tilnavnet qodobadaan soo socda
1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado
2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.
3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.
4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Wasiirka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.
Puntlandi.com
Muqdisho