Howlgal ay Badhaadhe ka fuliyeen Ciidanka Kenya ayaa lagu diley 31 ka tirsan Al-Shsbasb sida uu sheegey Afhayeen u hadley Ciidanka Difaacs Kenya ,
Saldhig ay Al-shsbaab ku lahaayeen meel u dhow Magaalada Badhaadhe ayaa waxaa weeraray Ciidanka Kenya iyadoo howlgaæka ay ka qayb qaateen Ciidanka Cirka Kenya oo Doyaarado Helikobtara ah ku daaal galay.
Korneyl Joseph Owuoth oo u hadley Ciidanka Kenya wuxuu kaloo sheegay in Howlgalku uu ahaa mid ay qorsheeyeen oo ay ku weerareen Saldhiga Keydka ugu weyn ee Al-shabaab ku leeyihiin Jubbaland, Koneylku wuxuu kaloo sheegay in Ciidanku ay qabsadeen Saldhiga ayna la wareegeen Cuno iyo Rasaas, 623 Xabadood, Cunto iyo hubka lagula dagaalamo Taangiyada ayaa ka mid ah Qalabka loogu tagay Saldhiga, Ayuu yiri Joseph Owuoth.
Ciidanka Kenya ma aysan sheegin in Khasaare soo gaaray dhankooda iyo in kale.
Ku dhowaad 4000 ( Afar kun) oo ka tirsan Ciidanka Kenya ayaa waxay ku sugan yihiin Jubbaland kuwasoo ahaa qaybta loogu yeero SECTION 2 Ciidanka Amisom,
Puntlandi.com
Kismaayo