Ciidanka Puntland oo shalay galab howlgalo fuliyey ayaa saaka waxay dib ugusoo laabteen fariisimadoodii ay shalay horey uga socdeen.
Shalay Galab salaadii casar xiliga Soomaaliya ayaa Ciidanka Waxaa lagusoo qaadey weerar ay ka warhayeen Ciidanku, Dagaal saacado kooban socdey waxay Ciidanka Puntland ku guuleysteen iney mudo gaaban kusoo gabagabeeyaan Dagaalka iyagoo horey uga socdey fariisimadoodu.
Sargaal ka tirsan Ciidanka ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in ay Ciidanku shalay gaareen goobo ay fadhiyeen Maleeshiyaadka iyo Ciidanka Cadaado ee iskaashanaya ayna saaka Ciidanku kusoo laabteen Fariisimadoodii.
Laakiin Warar kale oo Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Ciidanku ay isla Xalay usoo hoy’deen Fariisimadooda.
Dagaalkii shalay waxaa Puntland uga geeriyoodey 3 Askari iyo Askari dhawac culus ah, dhawacana waa 6 Askari.
Dhinaca Koonfurta warar rasmi ah lagama hayo khasaaraha soo gaaray laakiin Wariye madax banaan oo ku sugan Xaafada Baraxley wuxuu Puntlandi u sheegay in dhimashadu gaarayso 17 dhaawucuna 23 Qof.
Puntlandi.com
Gaalkacyo@puntlandi.com