Warar hoose oo Puntlandi heleen waxay xaqiijinayaan in Ciidanka Puntland ay qabteen dhowr Maxaabiisa oo qaarkood ay kasoo jeedaan Gobolada dhexe iyo kuwa Koonfureed kuwasoo ka tirsan Ciidanka lagu Magacaabo kuwa Dowlada Federaalka.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidankii Maanta Dagaalamayay ay cusbaayeen oo ay ka yimaadeen Cadaado kuwasoo isugu jira Kuwa ku magacaaban Ciidanka Dowlada Federaalka iyo Maleeshiyaad.
Sargaal ka tirsan Ciidanka Puntland wuxuu Puntlandi u xaqiojiyey iney rag dhowra ku qabteen Dagaalkii Maanta.
Khasaarah ka dhashay Dagaalka oo aan wax ka waydiiney wuxuu noo sheegey in dhankooda ay Sadex askari dhinteen dhanka Maamulka Cadaado wuxuu sheegay ina ay Ciidanka Puntland hayaan 7 meyd ah dhimashadooduna intaas ka badan tahay.
Wuxuu intaas raaciyey in gabalku uu dhacay markii Dagaalku istaagay sidaas awgeed ay adag tahay in la ogaado khasaaraha gaaray Ciidanka iyo Maleeshiyaadka Galmudug.
Laamaha amniga Gobolka Mudug iyo Saraakiisha Ciidanka iyo Masuuliyiin ka socda Dowlada Puntland ayaa caawa waxaa u socda kulan kala warqaadasho ah.
Wixii kulamadaas kasoo kordha kala soco Puntlandi.com
Puntlandi.com
Gaaækacyo@puntlandi.com