Wiilasha Puntland
Waxaa Ummada Soomaliyeed iyo qof kasta oo damiir lihi qirsan yahay in Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu mudadii 4sano aheyd ee xilka hayey uu Barnaamijkiisa kowaad ee Siyaasadeed uu ka dhigatay inuu Cadaawad,Colaad Siyaasadeed iyo dagaalo hubeysan oo joogta ah ku qaado deegaanada nabdoonaa iyo Shacbiga Puntland.
Waxa qarsoon ma aheyn bilowgiiba in Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhaqaaqay talaaboyin siyaasadeed oo uu ku go’doominaayey Shacbiga Puntland,isagoo ka bilaabay inuu muran aad uu liita ku furo maqaamka siyaasadeed iyo degaanasha iyo nabad mudada dheer ka jirtay deegaanada Puntland, isagoo isku dayey,dadaal dheerna u galay inuu Puntland ka hor istaago, kana leexiyo Deeqaha iyo barnaamijyadii horumarineed ee bulshada caalamka iyo dawaldaha deeqaha bixiya ugu tala galeen ama ka wadeen Puntland.
Bilowgii Sannadkii 2013 waxaa la wada garwaaqsaday in “Qalwadii Mas baa galay “ isla markaana Madxweyne Xasan Sheekh ka leexday dariiqii iyo tubtii dadaalka badan lagu bixiyey ee ahaa in dib loo soo celiyo Qaranimadii Dalka iyo dibu-heshisiin iyo gogol nabadeed oo loo fiyo dhamaan ummada Somaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Dam-jadiid waxay nasakheen,isla markaana wax ka bedel sharci daro ah ku sameeyeen Dastuurkii iyo shuruucdii dalka.(maamulka Puntland iyo Masuuliyiinta Federaalka ugu jiraa aamusnaan bey ku adeeceen )
Qaraabada Federaalka
Waxaa xigay in Madxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisu Koonfurta Gobolka Mudug ka yegleeleen maamul gacan ku rimis ah oo aan buuxin shuruudihii Dastuurku sida cad u tilmaamyey,maamulkaas oo maalintii la dhoob-dhoobayba sheegatay degaano aad u balaaran oo ka tirsan dhulka Puntland,iyagoo Dastuurkooda ku xar-xariiqay in xuduudoodu tahay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal,sheegashadaas oo aheyd daandaansi iyo dagaal toos ah oo lagu soo qaaday Dawlada iyo Shacbiga Puntland.
Maalmahaas iyadoo la fulinaayo qorshaha iyo falsafadii Xasan Sheekh ee aheyd in colaad iyo deganaansho la’aan laga bilaabo Puntland, waxaa la xusuustaa weerihii fidno abuurka iyo isku haleynta dawlada Federaalka iyo Xasan Sheekh aheyd ee uu Idaacadaha kaga hadaaqayey Gacan ku dhiigle Cabdi Kheyr-diid ee ahaa ” Fad ama ha fadin, waa lagu fadsiin ” iyo jawaabtii jees jeeska aheyd ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka bixiyey ee aheyd ” Puntland ha is dejiso,wax dhib ahi ma jiraane iyo Puntland iyagoo 2 Gobol ah bey 5 Gobol sheeganyaan,hadda ogow waa Puntland oo lagu soo duulay ” hadalaadaas iyo afcaashaas gurac ee Xasan Sheekh iyo Kooxdiisu qaadeen ayaa muujineysay in dawladii Federaalka Somaaliyeed gacanta u gashay koox fikirkoodu weli ku xiran yahay dagaaladii sokeeye.
Nasiib daro maamulka Puntland oo ku baraarugay kacdoonkii iyo gadoodkii ay hadaldaas iyo ficiladaas foosha xun ka mujiyeen shacbiga Puntland ayaa waxa uu markiiba ku dhawaaqay inuu xiriirkii u gooyey Dawlada Federaalka aheyd,isagoo ku eedeyey in ay cadow ku tahay jiritaanka iyo nabada, Puntland,ayaamo ka dib waxaa mar kale isla jaan qaaday labada maamul ee Puntland iyo Dam-jadiid iyadoo aan Dawlada Xasan Sheekh wax cudur daar ah ka bixin colaada iyo dagaalka siyaasadeed ee ay ku takoorayso shacbiga iyo deeganada Puntland.
Mudadaa wixii ka danbeeyey waxaa laba kacleeyey oo sii xoogeystay colaadii iyo dagaalada hubeysan oo Maamulka Xasan Sheekh oo kaashanya Cabdi Kheyr-diid,Cabdikariin Dhagojuun iyo kooxada argagixisada Al-Shabaab ay sida joogta ah ugu soo qaadeyaan Puntland.
Bishii December 2015 waxaa maamulka gacan ku rimuska ah ee Galmudug oo taageero dhaqaale iyo mid ciidanba ka helaya Madaxweyne Xasan Sheekh dulaan ku soo ku soo qaadeen magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,dagaalkaas oo ah gardaro bareer ah,isla markaana lagu jabiyey heshiisayadii nabada Gobolka Mudug ee sannadkii 1993,Madaxweyne Gaas iyo Raisal Wasaare Cumar Cabdirashiid labadba wey u cadeyd in madaxweyne Xasan Sheekh uu dabada ka riixayo kooxda Galmudug,isla markaana uu la daba taagan yahay taageero siyaasadeed iyo mid ciidanba,iyadoo ujeedada siyaasadeed ee dagaalka Xasan Sheekh u soo qaaday ay aheyd in Shacbiga Puntland lagu qasbo in ay ogoladaan nidaamka xaaranta ah ee 4.5,
Nasiib daro Madxweyne Gaas iyo Raisal Wasaare Cumar iyagoo garoowsan in Madaxweynaha dawlada Federaalka Mudane Xasan Sheekh inuu qeyb ka yahay colaada Gaalkacyo iyo guud ahaan Puntland,ayey waxay gabeen in ay runta ka sheegaan xaalada qalafsan ee dalku galay,iyo burburka iyo habowga ku dhacay nidaamkii Federaalka iyo dawladnimadii Dalka.Taas badelkeeda waxay Puntland iyo shacbigeeda galiyeen iska daba-wareeg Siyaasadeed iyo maaweelo cadowgooda loo hoosaasinayo.
Maxaabistii Isbaheysiga Alshaab
Bishii Maarso ee Sannadka 2016 waxaa maalin cad weerer balaaran Puntland ku soo qaaday Isbaheysiga Argagixisada Al-Shabaab oo ka soo guuray Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheer ee Gobolka Mudug ee maamulkooda uu sheegto Cabdikariin Dhagajuun,weerarkaas oo la rumeysan yahay inuu ahaa shirqool weyn oo la soo abaabulay,ayna wax ka ogeyd Dawlada Federaalka ah ee fadhida Villa Somalia,waxaa ku dhiiraday oo runta ka sheegay weerarkaas iyo cida soo abaabushay oo aheyd Villa Somaaliya Wasiirka Aminga ee Puntland Mudane Qarjab,lakiin Nasiib daro M/weyne Gaas oo dalka dibadiisa ku maqan,waqti ciidanka iyo Shacbiga Puntland u babac dhigayeen iska difaaca cadowga isa soo baheystay ee dulaanka soo qaadey,ayuu Madaxweyne Gaas beeneyey qawlkii runta ahaa ee Wasiir Qarjab,isagoo Mudane Gaas eeda ka weeciyey ku lug laanshaha dawlada Feferaalka ah ee dagaalada lagu soo qaaday xeebaha gobolka Mudug iyo Nugaal( Nasiib daro maanta oo Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen buu eedeyn cusub la tiigsaday nidaamka faasidka ah ee fadhiya Villa Somalia)
Isku soo wada duub oo dagaalada maanta ka socda Gaalkacyo,hanjabaadaha ay 3 wiig ee ugu danbeeysay warbaahinta Muqdisho ay la taagan yihiin masuuliyiin sare oo ka tirasan dawlada Federaalka ah,Xildhibaano,qaar ka mid ah hogaanka dhaqanka ee Hawiye,sidoo kale dhiilada colaadeed iyo naceybka ay u midoobeen ee ay baahinayaan warbaahinta Beesha Muqdisho sida BBC-Somali Service,VOA,Radio Muqdisho,Tv-ga Dawlada iyo wakaalada Wararka ee Sonna,iyo websidada Beeshu leedahay ee Caasimada,Goobjoog,Calanka iyo Golaha Talo iyo Tusmo ee badalay Golihii hore ee Hawiye Action Group, waxay daliil cad u yihiin in dalku mar kale dib ugu noqday colaadii iyo dagaaladii sokeeye.
Waxaa cadeymo cad loo hayaa in dawlada Federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh si aan gabasho laheyn diyaarado hub iyo ciidan ah ugu soo dal-dalayaan Degmada Cadaado iyo Konfurta Gaalkacyo,isla markaana ay ka go’an tahay in dagaal lagu hoobto uu degaankaasi ka holco,si ay ugu fusho qorshohooda siyaasadeed ee ah in ay xoog ku sii heystaan talada Dalka.
Waxaa nasiib daro ah in Madaxweyne Gaas iyo Raysal Wasaare Cumar oo wakhtigan xaadirka ah la daalaa-dhacya culeysyo siyaasadeed iyo Saluug uga imanaaya guud ahaan Shacbiga Puntland, ayey waxay weli awoodi waayeen
, waa halkii Ina Cabdille Xasane in Shacbiga ay metalaan kula hadlaan ” Af Gaalo ama mid Muslim ” oo ay Colaad iyo nabad mid uun ka keenaan kooxaha hororka ah ee ku mamay dhiiga shacbiga Puntland.
Waxaa lama huraan ah in la gaaray wakhtigii maamulka Puntland uu ka bixi lahaa xeyndaabka Eedeynta dawlada Federaalka,isla markaan loo baahan yahay in ay la yimadaan iskutashi siyaasadeed oo Puntland u horseeda in ay si adag u difaacado dadkeeda iyo dalkeeda.
Waa dhalanteed iyo dhaan Dabogaale ka sii mid ahaanshaha Puntland ee Dawlada Federaalka ee Haboowday,iyo ku mashquulida Doorashooyin Federaal oo aan wax macno ah soo kordhineyn, wakhti shacbigeeda dagaal ku furan yahay, isla markaan waa Qooto-Qooto iyo Maaweelo in Xubno reer Puntland ahi ay Musharaxiin Madaxweyne iyo Xildhibaano Aqalka Sare iyo Midka Hoose oo magan ku noqoda magaalada Muqdisho ay Federaalka u matalaan,ka dibna meydkooda Diyaarado dib loogu soo celiyo Puntland,si ehelkoodu u duugtaan.
Ninbaa laga hayaa ” Walle Ciridkaan u jeedo ,ilko kama soo muuqdaan ” Wallee Caasimad iyo dawlad reer u afduuban baan nin damiir lihi iyo nin miyir qabaaba aanu hunguri u raadsan,laakiin horaa loo yiri ” Miidaani dhago ma leh,haddii Malag dhawaaqayo
Puntlandi.com
Post@puntlandi.com