Aad ayay u degan tahay Gaalkacyo maanta iyo Shalayba inkastoo duhurkii maanta Xabado laga maqlayay Duleedka Koonfureed ee Magaalada.
Howlwadeenada Puntlandi oo xiriir la sameeyey Saraakiisha Ciidanka waxay noo sheegeen in Xabadihii duhurka dhacay ay aysan waxba ahayn maantana uusan Dagaal dhicin.
Xaafada Baraxley oo guud ahaan Shacabku ka Qaxeen ayaa dayac iyo daryeel la’aan lagasoo sheegayaa iney shacabka heysato.
Guud ahaan Gaalkacyo qax saas u weyn kama jiro, aan ka ahayn Xaafada Baraxley, qaybaha kale Dadka 30% ayay qaxeen, 30 kaasna waxay ka Qaxeen xaafadaha dariska la ah Xaafada Baraxley.
Wasiirka Arimahs Gudaha Puntland ayaabooqasho ku maraya Gaalkacyo wuxuuna soo indha indheynayaa xaalada Magaalada
Puntlandi.com
Gaalkacyo