Warar hoose oo Puntlandi ka helay Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa sheegaya in Ciidanka Puntland ay gacanta ku hayaan 12 Meyd ah ay kasoo ururiyeen Goobtii ay shalay ka carareen Maleeshiyaadka Koonfurta Mudug.
- Meydka ilaa hada aan heyno waa 12, isugu jira Maleeshiyaad iyo Rag Xiran Dharka Ciidanka NISA ee Federaalka, Dhimashadoodu intaas waa ka badan tahay, Intaan gaari karay baan soo ururinay,Sidaas waxaa yiri Sargaal la hadley Puntlandi oo aan ka gaabsaney inaan magacawno.
Sargaalku wuxuu kaloo noo sheegay in dhankooda ay ka dhinteen laba Askari.
Sargaalku wuxuu kaloo sheegay in Ciidanka Puntland hayaan Maxaabiis qaarkood dhawac yihiin.
Mar aan wax ka waydiiney Sababta keentay in Guryo ku yaal xaafada Baraxley ay ku dhacaan madaafiic wuxuu yiri..
- “Waxaa jira Maleeshiyaad Hoobiyayaal kasoo tuuray guryahaay korkooda kuwasoo Kusoo dhacay Xaafadaha kale ee Gaalkacyo, Ciidankuna waxay qabaan amar ah in meeshii Hub lagasoo riday ay duqeeyaan,, Shacabka Xaafada Baraxley waan u digney iney ka fogaadaan goobaha Maleeshiyasdkoodu isku urursanayaan ama hubka kasoo tiurayaan,”
Sidaas ayuu Sargaalku hadalkii kusoo gabagabeeyey.
Dhanka Puntland aad ayaa loo xakameeyey in Saxaafada ama Dadka rayidka ah ay helaan macluumaad ku saabsan Dagaalka
Puntlandi.com
Gaalkacyo