Puntlandi oo u kuur galay sababta rasmiga ah ee Wasiirku uusan noo sheegin inuu isu casilay ayaan ogaanay sababta rasmiga ah.
Warar lagu kalsoon yahay oo uu helay mid kamid ah Howlwadeenada Puntlandi ayaa waxay sheegayaan in Wasiirkii Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade uu isu casilay kadib markii uu kursi ka helay Baarlamaanka Federaalka ah halkasoo uu hadii alle u idmo uu joogi doono 4 sano ee soo socota.
Soocade wuxuu kamid noqonayaa Xildhibaanada cusub ee Federaalka u matali doona Puntland.
Wararka kale ee aan helayno waxay sheegayaan in laba Wasiir oo iyana ka tirsan Xukuumada Puntland ay raaci doonaan wadada Soocade ooa ay ka mid noqon doonaan Baarlamaanka cusub ee Federaalka.
Puntlandi.com
Garowe