
Cadbdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel) waxaa loo badinayaa in lagu dilay weerarkii Xalay
Warar dheeri ah oo aan ka helney Howlgalkii ay xalay saq dhexe ay duleedka Gaalkacyo aka fuliyeen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa wuxuu ku salaysnas xogo mudo ay kawada shaqaynayeen Ciidanka Sirdoonka Puntland, Sirdoonka Maraykanka iyo Sirdoonka Galmudug xogtasoo ku saabsaneyd laba sargaal oo Al-shabaab ahaa kuwasoo Puntland raadineysa.
Labada Sargaal ee Al-shabaab ka ah ee Xalay la weeraray waa…
Cadbdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel) waa ninka shaatiga buluuga ah wata. sanadkii 2013 ayay xukun dil ah Puntland ku riday kadib markii lagu qabtay waxyaabaha Qarxa , laakiin markii dambe waxaa fasaxday Dowlada Puntland, kadib markii madixiisa dad badan oo reer Puntland loogu afduubtay koonfurta Gaalkacyo. Beeshiisu waa Sacad gaar ahaan Indho yar.
Ninka labaad waxaa lagu magacabaa Nuur Deeq Cabdullahi Maxamed Diini Maalinguur, wuxuu ahaa Saraakiisha ugu sareysa Shabaabka Gobolada Dhexe, wuxuuna ahaa ninkii ka danbeeyey weerarkii Suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo.
Dowladda Puntland ayaa dhawaan soo dhajisay sawirkiisa iyo magaciiisa. Beeshiisa waa Sacad gaar ahana reer Hilowle.
Sida Puntlandi Xogta ku helay weerarkii Xalay saqdii dhexe lagu qaadey labadaan Sargaal ee Al-shaabka ah lama xaqiijin in nimanka la doonayo ay ku dhenteen ama nolol lagusoo qabtey, Arintaas xaqiiqdeeda way ka gaabsadeen saraakiisha noo warantay oo way diideen iney xogtaas bixiyeen.
Laakiin Warar kale oo hoose ayaa noo Xaqiijiyey in 13 kamid ah maleeshiyaadka Shabaab ku dhintey weerarka waxay ahaayeen Ilaalada Cadbdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel).
Warar kale ayaa iyana sheegaya in Ciidanka Sirdoonka Mareykanku ay soo qaateen 9 meyd oo loo badinayo inuu ku jiro Cadbdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel) kasoo istaafkiisa la xaqiijey iney wada dhinteen.
Sirdoonka Puntland oo kaashanaya Rag Sirdoon ah oo jooga Galmudug iyo Sirdoonka Maraykanka ayaa in Mudo ah daba joogay Labadaan Sargaal ee Al-shabaab ka tirsan kuwasoo loo heysto iney Ka dambeeyeen dhowr weerar oo Gaalkacyo lagu qaadey, Weerarkii u dambeeyeyna uu ahaa kii Xero dayax lagu weeraray laba Baabuur oo waxyaabaha Qarxaa ka buuxaan, 33 Qof ayaa ku shahiidey weerwrkaas Argagixisada.
Puntlandi.com
Gaalkacyo