Wadamada deeq bixiyaasha ee Sida gaarka ah u taakuleeya Ciidamada Soomaaliya ayaa muujiyey jahawareer ka heysta Ciidanka lagu sheego CIIDANKA QARANKA SOOMAALIYEED SNA ,
Deeq bixiyaashu waxay sheegeen in SNA aysan awoodin iney la dagaalamaan Al-shabaab ,Saraakiisha hogaamisa SNA ayaa iyana lagu tilmaamey ku wax isdaba mariya oo CORRUPT ah.
Ciidanka Dowlada Federaalka ee SNA waxaa lagu tilmaamey kuwo aad uga fog iney la wareegaan kaalinta AMISOM, Waxayna u dhaqmaan maleeshiyo qabiileed aan qaab ciidan lahayn.
Waxaa la amaaney Ciidanka Daraawiishta Puntland oo lagu tilmaamey Ciidan u babac dhiga Al-shabaab.
Deeq bixiyaashu waxay yiraahdeen waxaa hada haboon in la taakuleeyo oo la qalabeeyo Daraawiishta kuwaaasoo hada awooda iney lagaalamaan Al-shabaab halka SNA lagu tilmaamey kuwo iyagu caawiya Maleeshiyaadka.
Linkskaan hoose ka akhriso warbixin kooban oo warbixintaan ka mid ah oo wargeyska THE TIMES oo Ingiriis ahi uu qoray.
http://www.thetimes.co.uk/article/britain-helps-somali-militias-bkhx0t2h7