Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Dhageyso) Raysal wasaare Sharmaake “Dano Siyaasadeed ayaa laga leeyahay kiiska Bada wax aan heshiis lagalay Kenya ma jiraan”

$
0
0

???????????????????????????????

Ra’iisul-wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo goor dhaweyd Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Garoowe ayaa ka hadlay muranka Baddan.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo Xukumadiisii ay la gashay Dowladda dalka Kenya sanadkii 2009-kii oo la xiriirta Suudinta Baddan labada dal.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in arrintaan ay la xiriiro Siyaasad oo la doonayo in sumcadiisa wax loogu dhimo, maadaama uu ka mid yahay Musharaxiinta sanadkaan 2016-ka.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke wuxuu xusay inney Siyaasiyiin Soomaali ahi ay ku leg leeyihiin oo wax buunbuuninayaan.

Ra’iisul-wasaaraha oo Shirkiisaan Jaraa’id ku qabtay ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda dalka Kenya aysan marnaba soo hawaysan karin Badda dalka Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso shirkiisa Jaraa’id.

Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles