Beesha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaloya ayaa aad uga xumaadey qaabka uu u socdo shirka Madasha qaran iyo garasho la’aanta ay madaxda Soomaaliya garan waysan yihiin in ladadajiyo wakhtiga gabaabsiga ah ee doorashada.
Shirka ayaa goordhaweyd dib u furmey kadib markii Xalay uu kusoo dhamaadey muran iyo isjiidjiid ku aadan qodobo la isku hayay.
Beesha Caalamka ayaa ku hanjabtay in ay howsha Doorashada ay la wareegi doonaan hadii aysan madaxda Soomaalidu ka waantoobin dib ugu noqoshada heshiis yadii horey loo wada gaaray.
Beesha Caalamku waxay saaka sicad u yiraahdeen “Iska ilaawa qodobadaan aad ku muran san tihiin ee halaga hadlo Doorashada iyo sidey u dhici lahayd iyadoon saacad dhaafin wakhtigii loo qabtay.
Puntlandi.com
Muqdisho