Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi heleen ayaa sheegaya muran Siyaasadeed uu ka dhex abuurmay Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho uga Socday Hogaamiyayaasha Siyaasadeed ee Soomaaliya.
Muranka oo la sheegay inuu salka ku hayo qodobo ay kamid yihiin xiliga Doorashadu dhacayso iyo Awooda Madaxweyne ee Xasan Sheikh oo qaar kamid ah Masuuliyiinta Madasha ay ku tilmaameen mid walhtigeedu dhamaadey.
Qodobka aadka Xasaasiga u ah ee la isku hayo ayaa wuxuu yahay soo jeedin lasoo jeediyey in Aqalka sare lagu daro 15 xubnood oo matalaya Gobolka Banaadir kuwasoo lagusoo qaybin doono nidaamka 4.5, Qodobkaan waxaa sicad udiidan Raysalwasaaraha, Madaxweyne Gaas,Madaxweyne Madoobe iyo Raysal wasaare Xigeenka Mr.Carte oo isagu maalmo ka hor xubin matasha Soomaali land loogusoo daray Madasha.
Wararka kale ee aan helayno waxay sheegayaan in saaka uu jawiga shirku aad uga duwan yahay maalmihii hore oo ay hada Beesha Caalamku ul la dul taagan tahay madaxda shiraysa ayna siweynay Beesha Caalamku usoo fara galiyeen.
Waxaa kaloo jira Muran ku aadan awooda Xasan Sheikh oo soo baxaysa kadib markii Masuul ka socda Jubbaland uu Madasha ka dhex sheegay in Xasan Sheikh wakhtigiisii uu dhacay sidaas darteedna uusan awood ku lahayn Miiska.
Shirku meel xasaasi ah ayuu hada marayaa mana jiraan cid ka dhaqaaqdey ama ka baxay wadahadalka.
Madaxweyne Axmed Madoobe uunbaa maanta u duulay Kismaayo halkasoo uu uga qayb galayo shir muhiim ah isla galabtana wuxuu kusoo laabanayaa Shirka Miqdisho.
Puntlandi.com
Muqdisho