Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Dhageyso) Dr. Cabdiraxmaan Faroole:” Soomaaliya wax madaxweyne caawo kama jiro, Xasan Sheikh waa inuu berito xilka wareejiyaa.

$
0
0

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo caawo shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa sheegay laga bilaabo caawo inaan dalka Soomaaliya lahayn wax mdaxweyne ah.

Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay madaxweyne Xasan Sheikh in looga baahan yahay inuu maalinta berito ah baneeyo xafiiska madaxweynaha maadaama ay u dhamaatay afartii sano ee uu dalku maamulayay.

“Xasan Sheikh Maxamuud haddii waaga baryo waxaa laguu yeerayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, sida aniga la iigu yeero madaxweynihii hore ee dowladda Puntland,” ayuu yiri Dr. Faroole.

” Afartii sano ee Xasan Sheikh Maxamuud waxay ahayd afar sano oo NGO ah, afarsano oo ah bililiqo ah iyo afarsano khasaaro ah, sidaas darteed waa inuu xafiiska ku wareejiyaa gudoomiye Jawaari inta lagasoo dhisayo dowlad cusub, ” ayuu yiri Faroole oo intaas ku daray inaysan udulqaadan waxa uu Xasan Sheikh dalka ka sameynayo.

“Waxaan halkaan idinkaga cadeynayaa inaysan jirin wax tilaabo oo ka hirgalay arrimihii doorashooyinka dadban, waxaana idiin muuqata in meesha waxa ka socda ay yihiin mudo kororsi dadban,” ayuu yiri Faroole.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay faro gelinta beesha caalamku ku hayso arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay Soomaaliya ujooogaan danahooda gaarka ah iyo inaan dalku hagaagin.

Sidoo kale Dr. Cabdiraxmaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho gaar ahaan cuno qabataynta shacabka lagusoo rogay ee laga xiray wadooyinka.

“Muqdisho waxay noqotay meel lagu ciqaabo shacabka Soomaaliyeed, waa nasiib darro in Shir Igad ku qabsanayo Xaamr darteed loogu ciqaabo shacabka Soomaaliyeed, cuqabadaas dadka laga galay waxay kusoo noqondoontaa kuwo godobtaas ka galay shacabka, waadna ogtihiin waa xilli Carafo oo ay dadku doonayaan inay is dhexmaraan oo suuqyada lagasoo adeegto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Hoos ka dhagayso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles