Shirka kooxda Madasha Qaran oo kala ah Madaxweynaha DF Xasan Sheikh, Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Cumar Cabdirshiid, Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa Xalay wuxuu ka furmay Muqdisho.
Shirka oo socon doona sida loo qorsheeyet ilaa khamiista, Maanta oo maalintiisii kowaad ah waxaa looga hadley Amaanka Muqdisho oo bilahaan faraha ka baxay, Waxaa kaloo looga ajandaha maanta kamid ahaa Ciidanka, Sidii Ciidan Qaran loo dhisi lahaa iyo Daryeelkooda.
Beesha Caalamka oo maanta goob joog ahas waxaa wajigooda ka muuqdey sida aysan ugu qanacsaneyn qaabka ay wax u wadaan Madaxda Dalka usareysa iyo Ajandayaasha ay ka doodayaan oo u muuqda in ay iska indha tirayaan shaqada mudan in laga doodo miiskana lasoo saaro tasoo ah Doorashada iyo howliheeda oo u muuqda mid aan ku dhacayn wakhtigeeda.
Beri oo Arbaco ah 7 Septembar ayaa shirka waxaa looga hadlayaa Arimaha Doorashada.
Sawirada hoos ka daawo