Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Labada gaari ee isqarxiyey oo kasoo talaabay dhinaca Xaafada Baraxlay

$
0
0

Warar rasmi ah oo Puntlandi heleen ayaa sheegay in la aqoonsadey labada gaari ee isku Qarxiyey Gaalkacyo.

Labada Gaari waxaa la xaqiijiyey iney ka yimaadeen Xaafada Baraxlay ee Magaalada Gaalkacyo, Waxayna soo mareen wadada Bangiga Gaalkacyo iyadoo dad ku sugan Baraxlayna ay sheegeen in labada baabuur ay kasoo baxeen oo lagu arkay meel u dhow Hotel Ambasador oo ku yaal Xaafada Baraxlay.

Sargaal ka tirsan Ciidanka ayaa dhankiisa Puntlandi u sheegay in labada gaari ay ka yimaadeen Xaafada Baraxlay.

Sargaalku wuxuu kaloo sheegay in falkaan uu yahay weerar Argagixisadu ka dambeysay kuwasoo waayadaan dambe saldhigyo qarsoon ku leh Xasfada Baraxley.

Dowlada Puntland wali si rasmi ah ugama aysan hadal Weerarka Gaalkacyo lagusoo qaadey saaka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles