Khasaaraha Qarixii Gaalkacyo ka dhacay maanta ayaa kor u dhaafaya 20 Qof, dhaawucuna wuxuu marayaa 35 Qof.
Sida Puntlandi Warka ku hayaan Gaariga kowaad ee is Qarxiyey waxaa waday Qof Dumar ah, Ciidanka amaanka ayaa isku dayay iney istaajiyaan kadibna durba rasaas ayay ooda uga qadeen.
Wararku waxay sheegayaan in hadii ciidanku aysan toogan lahayn haweyneyda ay U suuragali lahayd iney gudaha u gasha xarunta tasoo sababi lahayd khasaare xoogan.
Gaariga Noohada ah ee Haweyneydu wadatay wuxuu ku qarxay irada hore ee Xarunta Dowlada hoose.
Gaariga xigey ayaa isna wuxuu ku qarxay goob u dhow oo Dad badan oo rayid ah kusoo xoomeen.
Xaaladu aad ayay u dagan tahay walow uu jiro argagax sababtoo ah dhacdooyinka noocaan ah way ku cusub yihiin Gaalkacyo.
Puntlandi.com
Gaalkacyo