Sawirkaan kore waa Ex-Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil oo maanta naftiisa ku haligay Oo isku Qaxiyey isagoo wada gaari waxyaabaha Qarxaa ka buuxaan,wuxuu u adeegayay oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Muqdisho–Pi–26.07.2016– EX-Xildhibaan Salax Nuux Ismaaciil (Salax Badaado) oo ka soo jeeday Somaliland kuna(Reer Burco) ayaa la cadeeyey inuu waday Gaarigii kowaad ee maanta isku qarxiyey wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Saalax waxa uu ka mid noqday Barlamaanka Federaalka ah sannadkii 2000 isagoo kadib sannadkii 2010 u baxsaday kooxda Al shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in baaritaan ka dib la xaqiijiyey in Ex-Xildhibaan Saalax Nuux uu falkaas Argagixisnimada ah uu Fuliyey.
Sida hada la aaminsan yahay waxaa jira Dad badan oo Xilal soo qabtay Sida Saalax oo kale iyo qaar kale oo Xilal hada haya oo gacan saar dhow la leh Al-shabaab kuwasoo qaarkood ay hayaan macluumaad badan oo la xiriira amaanka iyo Siyaasada Dalka tasoo khatar ku ah Amaanka Qaranka.
Puntlandiocom
Muqdisho