Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Sawirro):- Musharax Maxamuud Yaasiin Tumey ahna Gudoomiye KMG ah ee Gaalkacyo oo xalay qabtay Casho sharaf

$
0
0

(Sawirro):- Musharax Maxamuud Yaasiin Tumey ahna Gudoomiye KMG ah ee Gaalkacyo oo xalay wuxuu qabtay Casho sharaf.

Musharaxa Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Gudoomiyaha KMG ah ee degmada Maxamuud Yaasiin tumey ayaa Casho sharaf ballaaran u sameeyay Xildhibaanada Gollaha deegaanka Degmada Gaalkacyo iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo.

Xaflada ayaa ujeedkeedu ahaa in Musharax Maxamuud Yaasiin Tumey uu kusoo bandhigo waxyaabaha uu qaban doono hadii Berri la doorto, sidoo kalena waxaa ay ahayd isbarasho ku aadan Bulshada iyo Kooxda Badbaado Mudug oo ka kooban 31 mudane ee gollaha deegaanka Degmada Gaalkacyo.

Ugu horayn waxaa khudbad jeediyay Musharax Maxamuud Yaasiin tumey waxaa uu ka hadlay waxqabdkiisa, waxaa uu sheegay in degmada ay hormar gaarsiin doonaan isaga iyo Kooxdiisa Badbaado Mudug.

Wadooyinka, Koranta iyo Biyaha Magaalada ayuu sheegay in hagaajin doono, isagoona intaas ku daray in ahmiyad gaar ah ay siin doonaan wadatashiga Bulshada Gobolka Mudug, iyadoona shacabku uu sheegay in Xafiiskiisa ay ku yeelan doonaan la tali toos ah.

Tayaynta Canshuuraha iyo hanaan hufan oo isla xisaabtan ayuu sheegay in Degmada gaalkacyo uu ka hurgalinayo, isagoona balan qaaday in maalinka la doorto ay bilow cusub u noqon doonto soo afjarista musuqmaasuqa ragaadiyay dakhliga Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo.

Qorshe amni oo dhamaystiran 6 bilood gudahoodna isbadal lagu dareemayo ayuu sheegay in uu hirgalinayo, waxaana qorshahaas uu sheegay in madashaan uusan kusoo bandhigayn.

Aqoonyahan Axmed Cabdiraxmaan Caabi ayaa hadal uu jeediyay dhankiisa soo dhaweeyay Musharaxa dhalinyaradaa Maxamuud Yaasiin Tumey, waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Gollaha deegaanka ugu baaqayo inay doortaan Musharax Tumey.

Gudoomiyaha dhalinyarada ee Gobolka Mudug DUD MUDUG Jac’far Yuusuf Cabdalla ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii casho sharafta ka hadashay, waxaa uu si diiran u taageeray Xildhibaanada Gollaha deegaanka ee Gaalkacyo oo dhalinyaro u badan.

Gudoomiye Jac’far ayaa sheegay in Bulshada Gaalkacyo ay ugu baaqayaan in lala shaqeeyo Musharax Maxamuud Yaasiin Tumey.

Maxamed Ciise Xasan Gambool oo ka tirsan Odayaasha iyo Ganacsatada Gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyay Musharax ahna Gudoomiyaha KMG ah ee Gaalkacyo Mudane Maxamud Yaasiin Tumey.

Waxaa uu sheegay in uu urajaynayo musharaxa uu degmada u horseedo hormar habeen iyo maalinba u shaqeeyo Bulshada Gaalkacyo.

Nabadoon Yaasiin Cabdisamed oo ka mid ah Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyay Musharaxnimada Maxamuud Yaasiin tumey, waxaana uu sheegay in himilooyinka uu soo jeediyay ay yihiin dhammaan kuwo Gaalkacyo ugu baahi badan tahay.

Xildhibaano ka tirsan Gollaha Deegaanka Gaalkacyo ayaa ugudambayntii khudbad ay jeediyeen ka hadlay Doorashada Berri dhacaysa, waxaa ay sheegeen inay dooranayaan Musharax u qalma hogaaminta bulshada Gaalkacyo.

Ugu dambayntii Gabayo iyo Baraanburo lagu soo dhawaynayo Musharax Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa laga jeediyay casho sharafta, waxaana kasoo qaybgalayaashu ay sheegeen in ay guul u rajaynayaan Musharaxa.

Sawirada hoos ka daawo

IMG_9403

IMG_9388

IMG_9387

IMG_9376

IMG_9375

IMG_9384

IMG_9384IMG_9361

IMG_9366

IMG_9359

IMG_9352

IMG_9354

IMG_9348IMG_9358

IMG_9343

IMG_9319

IMG_9329

IMG_9311

IMG_9309IMG_9308

IMG_9302

IMG_9296

IMG_9274


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles