Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Digniin khatar ah : – Shalay Ex-Xildhibaan baa is qarxiyey, maantana Ex-Shabaab baa loo magacaabay Taliyaha hogaanka socdaalka

$
0
0


20160727_141031
Ex-Alshabaab Maxamed Aden Jimcaale(Koofi)

Iyadoo maalintii shalay weerer ismiidamin ah uu garoonka dayruurada ah ee Adan Cade ee magaalada Muqdisho uu ka geystay Nafti nace Salaax Nuux Ismaacii (Salax Badbaado) oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan golaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, wereerkaas oo geystay khasaar lixaad leh oo naf iyo maalba leh, ayaa maanta Xukuumada wareersan ee uu hogaankeeda la daala dhacaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamauud waxay si ka fiirsasho la’aan ah, isla markaana masuuliyad xumo ka muuqato ay ugu magacabeen Xubin horay uga tirsaneyd kooxda Argagaxisada Al Shabaab inuu noqdo Taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyada Dawalada Federaalka Somaaliyeed.

Waaba Waraabe Hilbo ku raro iyo dalka iyo dadkba ha la wada qarxiyo

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha,lagana soo tasdiiqay xafiiska Raisal wasaaraha dalka ayaa Gaashaanle Ex-Alshabaab Maxamed Aden Jimcaale (Koofi) loogu magacaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee hogaanka socdaalka,isagoo bedelaya taliyihii hore ee hogaanka socdaalka Jeneraal Gaafow oo hore loogu magacaabay in uu noqdo taliyaha hayada nabasugida dalka.

Magacaabida Ex-Alshabaab Koofi ayaa ayaan daro iyo foolxumo ku ah nidaamka dawaldnimo iyo sugida iyo dibu dhiska hayadaha amaanka dalka ee la daala dhacaaya weerarada iyo hagrdaamooyinka wajiyada iyo danaha badan ka danbeeyaan ee curyaamiyey noloshii iyo hanaqaadkii dawladnimo ee caasimada dalka ee Muqdisho.

Ex-Alshabaab Koofi oo hore u ahaa dhalinyarada u dagaalanta kooxda Al shabaab, ayaa ka soo goostay kooxda Al shabaab wakhtigii Madaxweyne Sheekh Shariif,iyadoo wakhtigaas lagu meeleyey inuu la shaqeeyo hayada nabadsugida gobolka Banaadir,si uu hayada uga caawiyo inuu soo sheego xubnaha saaxiibadii hore ahaa ee waqtigaas ku dhuumaaleysan jiray magaalada Muqdisho.

Ex -Alshabaab oo aan laheyn haba yaraatee waxa aqoon maadiya, mid macnawiyan ah,khibrad iyo waayo aragnimo caskari ah ee looga baahan yahay inuu yeesho shakhsiga hogaaminya hayada culus ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed,isla markaana waa qeyrul masuulnimo lagu xisaabti doono beri,in shakhsiyaad ka mid ahaa ururo argagixiso loo dhiibo hayadaha ugu sareeya ee loogu talo galay in ay sugaan amaanka dalka iyo dadka soomaaliyeed

Wararka ka soo baxaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in magacaabida Ex-Alshabaab ee hogaanka Socdaalku ay salka ku hayso ololaha doorasha Madaxweyne Xasan Sheekh,isagoo taageero iyo raaligelin kaga raadinya Beesha Ceyr-Habargidir ee uu ka soo jeedo Ex-Alshabaab Koofi.

Sida laga wada dheregsanyahay dhamaan xililka dawliga ah ee hayadaha dhexe Federaalka ee fadhigoodu yahay maaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa shuraako ku ah oo kaligood kala qeybsada Beelaha ugu xooga weyn magaalada Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles