Magaalada Gaalkacyo ayaa yeelanaysa Garoon Diyaaradeed oo cusub,Sida ayxogta ku heleen Howlwadeenada Puntlandi ee Gobolka Mudug.
Garoon ka cusub oo caalami noqondoona ayaa noqonaya Garoonkii Sadexaad ee Puntland yeelato mudooyinkii dambe.
Sida aan Xogta ku heyno Waxaa Garoonka dhisaya Shirkad Shiineysa,waxaana shalay bilowdey Sahaminta goobta Garoonka laga dhisayo oo aan waxba ka fogoyn Garoonka hada ee Abdullaahi Yusuf Internatinal.
Shalay waxaa magaalada soo gaaray Khubaro ka socda Shirkada dhisaysa Garoonka kuwasoo sahamiyey goobta laga dhisayo Garoonka oo Magaalada Gaalkacyo uga beegan una dhaxaysa dhinaca Bacaadweyn iyo Caduunka loo aado.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Garoonka hada jira loo rari doono halkaas.
Garoonka dhismihiisa waxaa la bilaabayaa marka la dhameystiro Garoonka Bosaso oo dhowaan laga bilaabayo dhameystorka halka KM ee ka dhiman, waxaana la qiyaasayaa in howshaas Bosaso ay kusoo dhamaato bilowga Sanadka Cusub, Kadibna la guda gali doono dhismaha cusub ee Abdullahi Yusuf Inernational Airport.
Balan qaadyadii Madaxweyne Gaas ayaa waxaa kamid ahaa in ay Puntland yeelan doonto Sadex Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah mudo Sadex sano gudeheed ah, hadii dhismaga Garoonka Gaalkacyo uu bilowdo waxay taas macneheedu yahay in Madaxweyne Gaas uu kasoo baxay balanqaadkaas.
Puntlandi.com
Gaalkacyo