Image may be NSFW.
Clik here to view.
Sida ay Warbaahinta Puntlandi ay xog hoose ku heleen waxaa dib u dhacay Doorashadii Baarlamaanka iyo tii Madaxweynaha ee lagu waday iney kala dhacaan Ogoosto iyo Septembar.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in shirkii Madasha Qaran ee lagu balan sanaa 17 bishaan Luuliya oo dib loo dhigay laguna balan sanaa 25 isla bishaan Luuliya uu hadana dib ugu dhacay 2 Ogoosto.
Sababaha ugu wayn ee Doorashada dib u dhigay ayaa lagu sheegay iney yihiin Muran wali ka taagan dhowr Ajandayaal oo la qorshaynayay in lagusoo afjaro Shirkii 17 Luuliya ee hada lagu balan san yahay 2 Ogoosto.
Sida Puntlandi Xogta ku hayo Ajan dayaasha muranku ka taagan yahay ee hor yaal Shirka u dambeeya ee Madasha Qaran wada yeelan doonaan 2 Ogoosto waa sidaan.
1– Waxaa lagu muran san yahay goobta ay ka dhacayso Doorashada Madaxeynaha.
2–Xildhibaanada Soomaaliland ee Aqalka Sare oo Soomaaliland ay diidan yihiin iney wax ka siiyaan Beelaha Warsangali iyo Dhulbahante.
3–Gobolka Hiiraan oo ku doodaya in Xildhibaanadooda Aqalka Sare iyo kan hoosaba la farafaraynayo oo Isimadooda loo daba marteeyey.
4–Waxaa iyana Muran xoogan ka taagan yahay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, Suna Waljameeca iyo Maamulka Galmudug ee Cadaado ayaa ku muran san.
Qodobadaan wali muran xoogan ayaa ka taagan waana kuwa dib u dhigay doorashada Qaran.
Sida ay Puntlandi xogta ku hayaan Doorashada Baarlamaanka waxaa dib loo dhigay oo laguqadaa iney dhacdo bisha Novembar ee Sanadkaan, Doorashada Madaxweynahana bisha Decembar dabayaaqadeeda amaba Bilowga Sanadka cusub 2017 kabisha Janaayo bilowgeeda.
Puntlandi.com
Miqdisho