Shir Magaalada Kismaayo ugu soo dhamaadey Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Shiikhaal ayaa lagu soo dhameeyey muran Siyaasadeed oo ku aadanaa qaabka loosoo Xulayo Xildhibaanada Beeshu ay ku yeelanayaan labada Aqal ee Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Kismaayo ka dhacay ee Beesha Shiikhaal ayaa waxaa soo abaabulay Gogoshana dhigay Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere, Waxaana kulanka Shirgudoominayay Suldaanka Guud ee Beesha Maxamed Muuse.
Kulanka Beesha Shiiqaal ee Kismaayo ka dhacay ayaa lagu dhameeyey dhamaan Khilaadkii Siyaasadeed.
Waxaana lagu heshiiyey in Xildhibaanada Beesha guud ahaan lagusoo Xulo Jubbaland halkasoo ah Deegaanka Beesha ugu badan tahay, Waxaa meesha laga saarey murankii ahaa in Xildhibaanada Beesha qaarkood lagusoo Xulo Galmudug Cadaado.
Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Cabdulqaadir Luga dheere ayaa u mahad celiyey Siyaasiyiintii iyo Duubababkii kasoo qayb galay shirka.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la kulmey Ergada shirka.
Hoos ka daawo labo Video oo shirka ahaa
Puntlandi.com
Kismaayo