Shirka Madasha Qaran uga socda Muqdisho ayaa is afgarad laga gaarey inta badan Qodobadii maanta la isla soo qadey.
Waxaa Qodobada la isla meel dhigey ka mid ah Aqalka hoose Xubnihiisa 275-ta qaabka la isku waafajinayo meelaha ay ka imanayaan, Arrintaa dood dheer kadib waxaa la isla gartey sidii uu qorayay Heshiiskii Garowe iyo Farsamooyin yaryar oo lagu kordhiyey.
Qodobka Xasaasiga ah oo ahaa Gobolka Banaadir kaalinta uu ku yeelanayo Aqalka Sare, Arrintaan Ra’iisull Wasaare Cumar wuxuu soo jeediyey,isla markaana uu hoosta ka xariiqey innaan wax qaybsiga Aqalka Sare aan dib loogu noqoneyn oo heshiisku suu qorayay loo daayo.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa soo dhaweeyey go’aanka Ra’iisul Wasaaraha,Waxayna sheegeen in Heshiiskii hore oo dib loo farafareeyaa ay Cawaaqib xumo horseedeyso.
Sida Puntlandi xogta ku helay ma jiraan kuraas uu Gobolka Banaadir uu ka heli doono Aqalka Sare laakiin waa iska macquul in Warmurtiyeedka lagusoo xariiqi doono in qodobkaas looga hadli doono shirarka Dambe,taasoo noqon doonta qancin iyo rajo ku noolaan.
Shirka Madaxda sare waxaa isna feer socda shirka Guddiga Farsamada oo maanta lagu qaadaa dhigayo qodobo muhiim ah, shirkaas ilaa hada ma heyno ilo nooga xog warama laakiin kala soco wararkayaga dambe wixii wara ee kasoo kordha.
Puntlandi.com
Muqdisho